Maseyrka dumarka iyo jacaylka maxaa ka dhexeeya

Asc Dhaman inta wax ku qorta inta ku xirane aqrisa iyo maamulkaba salaan gaara Mr D/Wadaag suaasha ah dumarka maseyrka ma wuxuu ka yahay jaceyl ay u ahayaan ninka qaba mase waa xasidnimo iyo naf jecleysi aankala qaadno. Xaaskaada kowaad hadey kuu heyso ilmo ayna tahay mid dhanwalba kaa anfacday xaga gogasha nadaafad owlaadeeda daryeesha ayna leedahay sifooyinka naagaha wanaagsan aadna aheydeen dad isku qanacsan hadaad la guursato taasi maseyrkeedu waxaan kutilmaami karnaa (jaceyl ) hadii ayse noqoto xaaskada haweeney dhalmo deysay ama dhalyar ama aaban dhalin waligeed oo ay kaa maseyrto taasi waxan kumacneyn karnaa Xaasidnimo.GUUD AHAAN maseyrku waa wax ku abuuran insaanka weyse ku kala duwanyihiin dumarka waxa inaga mida qaar meel cidla ah ka hinaasa oo sabab unoqda in lala guursado iyo qaar wax cad markey arkan hinaasa iyo qaar aaban hinaasin bal ku kaalmeeya ragooda iney guursadaan.Maseyrku wuxuu ku dhaxalsiin karaa waali iyo isagoo kaa saara nolol wanaagsan kuna dhaxalsiiya dulinimo hadaad ahaan jirtay qof aamusan waxaad noqoneysaa qof hadal badan waxaa laga yabaa inaad sheydan saaxiibb la noqoto qofka haduu sheydan wehel u noqdana aduunkana qiimo kuma yeesho aaqirana xisaab Eebe ayaa sugeysa Hadaan Dumar nahay midbaan u dardaarmayaa Hadaan ku qanacno Qorshaha Eebe ogow Illaah nama dayici doono hadaanse ku qanci weyno qorshaha Eebe waxaa laga yaabaa Minweyn xurmaleh adoo ahaa inaad Noqoto Minyaro ku nool Walaac iyo is ilaalin waayo ninkan aad minyarada u noqotay hortaa ayaa lasoo maamulay.Midna Raga ayaan u dardaarmayaa dumarka illaah idiin baneeyay ku dhaqa cadaalad runtana u sheega midwalbana uu muuji inaad iyada dunida ugu jeceshahay Allana kaalmeysta.Mida iigu danbeysa oo aan ku soo afmeerayo qoraalkeyga waxey tahay.Ninka qaba hal ka badan ee hadana damca inuu badsado mid haka taxadaro xaaskaada danbe waxaa laga yaabaa iney ka duwanaato kuwaadi hore aan soo qaato qodobka ugu muhiimsan ee ah Raaxada guurka kuwi kuu horeeyay hadey ahaayeen kuwa ku anfaca aadna ka heli jirtay raaxo dhameystiran qofta danbana ay noqoto midaan garaneyn fadlan bar waxa ay raaxo tahay hadiise adiga ay kuu soo hormareen kuwa adiga kaligaa aad ka xaajo gudato kadibna aad tiraahdo markan kaa muraadsado ma jecli in jirkeyga lataabto oo aad hurdo la dhacdo taasi ma soconeysee ogaada sida aad u jeceshiin wax walba oo raaxo laga heli karo ayay u jecelyihiin iyagana Rag waxaa jira hadey islaantiisa baasheyso ka lalaboonaya arintaa ka wacyi galiya raga Raaxo taam noqoshadeeda waa iyadoon laqarin siwalboo aad jeceshahay iyo dareenkaada dhabta ahee illaah kuugu deeqay waa aragtideyda waadna mahadsantihiin. W.W.W.
---------------------------------------------------------------------------
Waxaa qortay Runsheeg dumar wuxuu ahaa commenti markan akhriyay commentigeeda ayaa la dhacay hadalka ay qortay waa wax aad u anfacaya nimanka iyo naagaha soomaaliyeed runsheeg dumar aad baad u mahadsantahay
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

1 comment:

  1. Anonymous4/07/2011

    sck bacda salaan masha alh waaye barnamigka aad wanadaan koley waxan ka mit ah akhristayasha qisoyinka wanagsan oo aat qortaan waxaana idin lee yahey jasaakalaah meyshina ka wada koley insha alh waxii ala ah oo aat iga bahataan oo ku sabsan arimahan inta aan karo waa iga diyaar insha alh wabilaahi owfiiq

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes