Hooyo Soomaaliyeed oo gurigeedii imaanshaha Madaxweyne Obama dartiis Booliiska Norwey u jebiyeen

Hooyo Soomaaliyeed oo gurigeedii imaanshaha Madaxweyne Obama dartiis Booliiska Norwey u jebiyeen


Hooyo Soomaaliyeed ayaa waxaa gurigii ay degeneyd jebiyey Poliska Wadanka Norway ka dib markii ay shaki ka qaadeenImaanshaha Madaxweyne Obama darteed.

Sumaya oo ah gabar ay dhashay Hooyada ay gurigeeda polisku jabiyeen ayaa aheyd qofkii ugu horeeyey ee guriga yimid duhurnimadii Arbacada ka dib markii ay ka timid iskool, waxaase u furmi waayey albaabbka waxayna iska fariisatay.

caruutrii oo ayaa iyagana qaarkood ka daba yimid oo iska camirtay halkasii ay Sumaya fadhiday, waxaase aakhirkii yimid Hooyo Nimco kaarshe oo aheyd mas'uulka gurigaasi.

Hooyo ayaa aad ula yaabtay guriga oo si kale ah waxaase markii dambe ay heshay waraaq ay polisku ku dhaafeen halkaasi oo afka Norwagiga ku qorneyd taasoo cadeeyneeysay in ay polisku jabiyeen guriga iyagoona ka codsaday in ay timaado xarunta saldhigga ugu dhawaa.

(Albaabka ay jebiyeen Sirdoonka Norwey iyo kuwa Mareykanka ee CID-da}
Gurioga ayaa jebintiisa waxaa sabab looga dhigay ka dib markii laga shakiyay iyadoo ay dariishadaha qaar ay furnaayeen daahuna uu ka lalmanaayey Xili madaxweyne Obama uu halkaasi maraayey iyadoo wadadaaasina ay u dhawdahay Safaaradda Mareykanka ee Oslo Norway.

Hooyo Nimco ayaa markii Poliska u tagtay lagu war geliyey in arimo nabad gelyo owgeed guriga loo baaray sidaa daraadeedna ay hada xaq u leedahay in ay gurigeeda tagto iyadoo gurigiina loo furay iyadoo furihiina loo keenay.


Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Norway
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes