Nin Soomaali oo ka qaaday gabar soomaali ah sawiro qaawan markuu siiyay kaddib maandooriye

Gabar Soomaaliyeed oo degan Magaalada Minnessota ee Dalka Mareykanka ayaa arin murugo badan la soo deristay,kadib markii Nin Soomaaliyeed oo caan ka ah inuu si xirfadeysan gabdhaha u kufsado uu ka  duubay Video xili uu kiniini mandooriye ah oogu daray cabitaan ay cabaysay,kadibna kolkii ay miirkeedii doorsoomay ka qaaday Sawiro  iyadoo qaawan oo nuudo ah.
Ninkan ayaa Gabadhan dhibanaha ah  markasta oogu hanjabi jiray hadii aysan qasab kula galmoon inuu Sawirada uu ka qaaday inuu faafinayo,wuxuuna sawiradii uu ka qaaday hadda bilaabay inuu 5-Dollar ooga iibiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka Mareykanka,waxayna arintani sababtay inay go’aansatay inay is-disho,inkastoo saaxiibadeed kula taliyeen inaysan nafteeda haligin,balse ay Saxaafada u soo bandhigto dhibaatada lagula kacay si markaas looga hortago in ninkan dembiilaha ah maxkamad cadaalad ah lasoo taago.
Gabadhan ayaa Saxafiyad Mareykan ah ooga sheekeysay in ninkan dembiilaha ee falkan kula kacay uu sidoo kale sawiro qaa-qaawan ka duubay gabdho da’yar ah (Teen-Age)kuwaasoo uu badankood cabitaanka oogu daray daroogo,kadibna sawiro ka qaaday,isagoo ka iibinaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maretkankan ku dhaqan.
Arintan ayaa waxaa hadda baaritaan ku-haya Booliiska Mareykanka ee Gobolka Minessota,waxaan ka codsanaynaa Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Minessota hadii ay heli-karaan sawirka dembiilahan ugaarsanaya Gabdhaha Soomaaliyeed inaad badweyn.com u soo dirtaan si wejigiisa loo garto kadibna ay iska ilaaliyaan Gabdhaha Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan,waayo ninkan Bulshadda wuxuu ku yahay khatar aan la dhayalsan-karin.
Nasiib-darrada oogu daran ee heysata Gabadhan Soomalaiyeed ayaa noqatay,iyadoo xabsi ku ah guriga reerkooda,kana baqaysa dibada inay u soo baxdo,waxayna aflagaadooyin kala kulantaa Soomaalida,iyagoo dhaha Sharmuuto ayaad tahay,waayo sawiradaadii ayaa dariiqayada Ceder-Avenua iyo Karamel ee Minnessota ku-yaal lagu iibiyaa
,Haddaba waxaa la gudboon Culimadda iyo Dhalinyaradda Aqoonyahanadda ah ee Minnessota degan inay gabadhaan u gar-gaaraan inta aysan nafteeda dhib soo gaarsiin
Sihaam Cali Nuur
sihaamcali3@hotmail.com
Madaxa warka Uk




Sir naageed waa sun aan la arkin


Nin ayaa wuxuu arkay naagtiisa nin kale gogol dhaaf la sameeneeso, ninkii maxkamada ayuu ku dacweeyay in lagu ciqaabo xeerka u dagsan dalka oo ahaa xiligaas mid aan ku saleesneen shareecadena Islaamka, maxkmadii waxay bala misay ...naagtii lagu tuhmayay in ay sameesay gogol dhaaf, waxaana loo sheegay in la dhaarin doono maalinkaas ay maxkamada la soo hor istaajiyo, naagtii arinta heesata waxay u sheegtay hooyadeeda kuna dhahday hooyo bad baado ayaan rabaa hadii kale xabsi ayaan galaa, hooyadii si kalsooni iyo niyad dajis leh ayee ku dhahday gabadheeda hooyo waa la xalinaa waxaas wax wayn ma ahan, dhibaatada hada ku heesato aniga ayaa kala tuuraya, maxkamadane waad ka guuleesan doontaa, gabadhii waxaa la amray in ay soo qubeesato sidaas waxaa faraya hooyadeed, kadib hooyadii waxay dhahday naa kaalay naaskeyga nuug "jiq", naagtii naaska hooyadeed ayee nuugtay, kadib hooyadii waxay dhahday markii maxkamada lagu soo taago waxaad ku dhaarataa in maalinkii aad naaska hooyadaa aad nuugtay kadib aadan nin nan la sameen gogol dhaaf "Zino", waxaa la iskuugu imaaday maxkamadii naagtii ayaa la dhahay dhaaro in aadan sameen wax gogol dhaaf ah, waxay ku dhaaratay in maalinkii ay naaska hooyadeed ay nuugtay kadib in macsi dhan sameen, wallahi billahi noloshayda in aan sameen wax macsi ah maalinkii aan naaska hooyadeeyda nuugisteda iigu dambeesay sidaas ayee dhahday kkkkk, qoloda maxkamada waxay uqaateen in gabadhaan markii yareed ee 2 sano jirka aheed naaska hooyeed ugu dambeesay, kadibne wax kale sameen, ninkii sidii ayaa lagu dhahay beenlow ayaa tahay, gabadhii la tuhun sanaane sidii ayee uga bad baaday xabsi ama dil, waxaana meel maray caqliga hoooyadeed. 

Maahmaahyo laga yiri jacaylka

Waxa aan maanta soo qaadan doonaa dhowr maahmaah oo ah kuwa ugu caansan ee jaceylka laga yiri.
In kastoo ay badan yahiin waxa laga yiri jaceylka ayaan hadana jecleystay in aan qormadan ku soo gudbiyo dhowr maahmaahood oo ku saabsan jaceylka.
Mahmaahda ayaa ah hadal aad u gaaban balse xigmadeysan kana duwan gabayga iyo geeraarka, waxaana jira in inta badan soomaalida ay deegaan deegaan isku hadal gartaan, balse waxa aan isku dayi doonaa in aan ku soo qaato qormadan dhowr maahmaahood oo aan is leeyahay waa dhexdhexaad oo deegaan kuma koobna.
Ha igu colaadin hadii aad aragto maah maah adiga kula qaldan maxayeelay aniga ma oran,ninkii yirina waa ibnu aadan adigoo kale ah oo magafe waa alle.
1. Beer oo dhan tabcasho kuma wanagsana,dadka oo dhanna jaceyl.
2. Calafku waa sida mir geed saaran oo kale oo ma dooran karto halka ay dhulka kaga dhaceyso.
3. Faqriga marka uu albaabka ka soo galo jaceylkana daaqada ayuu ka baxaa.
4. Gacal isma cariiriyo.
5. Haween ilaahow yaaneyn na jeclaan nalagama karee,oo yaaney na nicin nalauma karee.
6. Hawo guur iyo hami jaceyl nabad baa leh.
7. In wax la jeclaado waa in nafta dhib lagaliyo.
8. In wax la jeclaado ayaa ka fudud in qof ku jacel la ogolado.
9. Indho is jacel isma eegi karaan.
10. Is arag aqoon kama horeyso,wax isa siina kalgaceyl kama horeeyo.
11. Jaalahaa kuma jabiyo.
12. Jaceyl aan dhun kasho laheyn wa sida shah aan sonkor laheyn.
13. Jaceyl aan hanti laheyn hawada ayuu guursadaa.
14. Jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.
15. Jaceyl maqeybsamo.
16. Jaceyl oraahmaahee waa ficil.
17. Jaceyl wiil lagu madhalo.
18. Jaceylka dhabta ah ma duugoobo mana daxaleysto.
19. Jaceylka waa sariirta un.
20. Jaceylka waa cudur qofka la jacelyahayna waa daawo.
21. Jaceyka waa hadba aragtida qofka.
22. Jaceylku waa in dho la’yahay.
23. Jaceylku waa naar.
24. Jaceylku waa sida mir geed saaran oo ma dooran karno qofka aan jeclaaneyno.
25. Jaceylku waa jin.
26. Hooyo la jacelyahay ilmaheeda lama tumo.
27. Maseyr badan jaceyl badan.
28. Mir qurxoon oo aan la goosaneyn waxa ay leedahaya cilad.
29. Ninka wax jacel waa in dho la’yahay nagta waxa jacelse hal il bey la’dahay.
30. Qalbigu labo ruux mawado qaado.
31. Qof aad nacebtahay qof aad jaceshahay ayuu ku dhaafiyaa.
32. Qufac iyo jaceyl ma qarsoomi karan.
33. Qofka aan jacelnahay waa naqaan balse qofka na jecel manaqaan.
34. Qofka la jacel yahay waa sax markasta.
35. Sirta farxada nolosha waa in waxa la jeclaado.
Hababa aqristow ha u qaadan in maahmaahdu tahay qowl anbiyo, ogowna in ay tahay hadal qof caadi ah yiri oo wax ka badal iyo waxa kudarid leh.
Abdifitah Abaal
(source: wariyaha.com)

Nin naftiisii ku waayay korfadhiga komputerka

Qabatinka ama laasimida aalada kumbuyutarka ayaa xilligan dad badan waxay ku tahay mid ay u isticmaalaan si aan  kala joogsi lahayn, iyada oo ay inta  u sii dheer tahay isticmaalka Internet-ka oo uu dilooday. Nin u dhashay wadanka Shiinaha ayaa dhawaan naftiisii qaaliga ah ku waayey adeegsiga kumbuyuyatar ka dib markii uu dul fadhiyey mudo sadex maalmood ah oo aanu waxna cabin waxna cunin.
Wargeyska ayaa sheegay in ninkan uu khamaar ciyaarayey, isagoo laga helay lacag ku dhaw 1500 oo doola. Taasi oo keentey in uu ku mintido qamaar ciyaarkiisa ilaa uu soo ceshado lacagtiisii, hase yeeshee taasi waxay keentey in aanu waxba cunin oo waxba cabin mudadaas.
Wargeysku wuxu xusey in dalka Shiinaha 33 milyan oo dhalinyaro ahi ay qabitimeen qamaar ciyaarka komputerka oo ay ka kicin komputerada. Tanina waxa ay si weyn uga yaabisay laamaha caafimaadka wadankaasi. Shiinaha 450 milyan oo qof ayaa isticmaasha Internet-ka taasi oo ka dhigaysa wadankaasi halka ay ku nool yihiin dalka ugu badan ee isticmaala komputerka.
source: somalilandedu.com

Daraasad ku saabsan kaniiniga Viagraha

Sildenafil citrate waa magaca cilimga ah ee dawada (generic name), waxayse ku caantahay magaca VIAGRA oo ah magaca ganacsi ee dawada.(trade name). halka macagaca chemical ka ah ee dawaduna uu yahay:
( 1-[[3-(6,7-dihydro-1-methyl-7-oxo-3-propyl-1H-pyrazolo[4,3-d]pyrimidin-5-yl)-4-ethoxyphenyl]sulfonyl]-4-methylpiperazine citrate).
Sida macruufka ah waxa jirta in dawo kastaa leedahay magacyo badan sida chemical name, brand name and generic name waxase inta badan la istic maalaa magaca ganacsiga ee brand name loo yaqaano kaas oo ah magaca shirkada soo saartay dawada u gaarka ah. sidaa awgeed magaca viagra waxa iska leh shirkada caanka ee dawooyinka soo saar ta ee Pfizer pharmaceutical incorporated.
Waxay ahayd march 1998kii markii ugu horaysay ee suuqyada dawooyinka ay soo gasho dawadani. Ka dib markii ay ansixiyeen hay’ada Food and Drug Administration (FDA).
Sida lagu cadeeeyay cilmi baadhis la soosaaray dhawaan sagaal midh oo kiniin ah (9 tablets) ayaa seconkii kasta la qoraa aduunka korkiisa, waxa kale oo sii dheer inta an dhakhtar uqorin ee layska isticmaal.
In ka badan 600,000 (lixboqol oo kun) oo dhakhtar ayaa waxay u tahay dawada koowaad (first choice) ee ay ku daweeyaan xanuunka loo yaqaan ( impotency) xanuunkaasi oo ah awood daro ku timaada xubnaha galmada ee raga.
Waxyaalaha dawadu ka kooban tahay
Hadaba aynu ku horayno waxyaabaha ay ka kooban tahay dawadadani (ingredient)
Active ingredients: Sildenafil citrate
Excipients: microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate.
The film coat of the tablet contains
hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132).
Waxaad ogaataa in xabada yare e kiniinka ahi ay ka koobantahay waxaas oo chemicals ah taasi oo keeni karta khatar caafimaad hadii si qaldan loo isticmaalo.
Doses ka uu ku yimaado kiniinkan waa
25mg, 50mg and 100mg
film coated tablets.
Maxaa loo isticmaalaa dawadan
Waxa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuun ka mida xanuunada ku dhaca xubnaha taranka ee labka ama raga, waxaana loo yaqaanaa(Impotence (erectile dysfunction) xanuunkaas oo dad badani u yaqaano (CINIIN NIMO) xubinta labka oo aan awood yeelan xiliga galmada.
Saldanefil waxay ka mid tahay groupka loo yaqaano( phosphodiesterase type 5 inhibitors) taasi oo macneheedu yahay dawadani waxay joojisaa ama ka hortagtaa chemicals ka loo yaqaano phosphodiesterase type 5.
Phosphodiestrase waa enzyme laga helo meelo badan oo jidhka banii aadamka kamida waxaanu jabiyaa dabarka (bond) loo yaqaano phosphodiester bond ee laga helo nucleotideska.
Waxa kale oo ka mida groupkan
Levitra (vardenafil), Cialis (tadalafil) iyo kuwo kale.
Inkasta oo ay adagtahay in aynu maqaal yar ku soo koobno shaqada iyo waxyaabahay ay jidhka u qabtaan chemicals kani hadana bal aynu isku dayno inaynu fahamno inta ka khusaysa dawadan aynu ka hadlayno.
Mar hadii aynu nidhi dawadani waxay xoojisaa awooda xubinta raga wakhtiga galmada: aynu is waydiinoo sidee ayaa arinkaasi udhacaa:
Waxa ay udhacdaa hab adag oo aad u balaadhan(complex chain of events), si kooban hadaynu u sheegnana waxa dhacda in marka dareenka jinsigu yimaado ay ka yimaadaan signals ama ishaarooyin dhinaca maskaxda kuwaas oo keena in la soo daayo chemical messangers within the tissues of the penis.
Mid ka mida chemicals kaas oo loo yaqaano cyclic GMP ayaa waxay sababtaa in ay dabcaan (relax) muruqyada yar yar ee laga helo xididada dhiiga taasina waxay keentaa in ay balaadhaa xididada yar yare e dhiiga u keena xubinta labka taasi oo sababta in xubintu adkaato oo awood badan yeelato.
Hadaba sida caadiga ah waxa dhacda in chemicals kaa aynu soo sheegnay ee cyclic GMP in la burburiyo oo ay burburiyaan enzymes ka kale ee loo yaqaan phosphodiesterase type 5 dabadeedna xaaladii ku noqoto caadigeedii hore.
Sidaa awgeed Viagra wuxuu ka hortaa in la burburiyo chemicals ka cyclic GMP isaga oo joojinaya shaqada phosphodiesterase type 5. Taas oo macneheedu noqonayo waxa sii socda dhiigii badnaa ee soo galayay xubintan aan kur ku soo xusay taasina waxay keentaaa in adkaanta ( rigidity) iyo taagnaantu( erection) ay sii jiraan.
Marhadii Viagra uu ilaaliyo shaqada chemical messengers ka sababaya ererction ka waxa uu shaqaynayaa oo kaliya marka messenger kaasi la helo tasi oo macneheedu noqonayo in loo baahan yahay galmo
Hadaba waxa halkaa ka cad in ay wanaagsan tahay in la qaato daawada sodon daqiiqo ilaa saacad ka hor xiliga galmada.

Digniin

Inkastoo ay haboontahay in dhakhtarka kuu qoray dawadu uu ku siiyo talooyinka lagama marmaanka kuu ah marka loo eego xaaladaada caafimaad, hadan si guud markaynu u hadalno waxa muhiim ah:
1. In la qaato dawada cuntada ka hor waayo cuntadu waxy keeni kartaa in ay wakhti badan qaadato shaqada dawadu, iyo in wax tarkeedu yaraado.
2. Inaanad qaadan dawada iyadoo aan dhakhtar kuu qorin, una isticmaal sida dhakhtarku kugu la taliyo oo kaliya.
3. Inaanu qofku kaxayn gaadhi ama dayac tirka enginada iyo warshadaha,waayo dawadu waxay keentaa dawakhaad (dizziness) iyo khalkhal dhinaca araga ah (visual disturbances).
4. Hadii erection ka ama taagnaanta xubintu sii socoto in kabadan afar saacadood oo ay dhacdo xaalada loo yaqaan (priapism) si dag dag ah dhakhtar ugu tag waayo waxa dhici karta in dhaawac soo soo gaadho tussueska xubinta dabadeedna dhibaato tii hore ka wayni timaado.
5. Hadaad aragto araga oo si dag daga hoos ugu dhacay jooji dawada oo la tasho dhakhtar. Hana qaadan dawada hal mar wax ka badan maalintii.
Si taxadir leh u isticmaal hadii ay jiraan xaaladahani
1. Dadka da’da ah
2. Qofka qaba xanuunada kalyaha, beerka, haemophillia, active peptic ulcer.
3. physical Abnormality of the penis.
Dadka aan isticmaali Karin
1. Dumarka
2. Qofka da’diisu ka yartahay 18 sano
3. Dadka qaba xanuunada wadnaha sida:( sever heart disorders) sida angina pectoris, heart attach.
4. Hoos udhaca pressure ka dhiiga(hypotention).
5. Dadka qaata dawooyinka loo yaqaan: NITRATE MEDICATIONS sida: glyceryl trinitrate or amyl nitrite “poppers”.

Waxyeelada dawada
madax xanuun, dawakhaad, khalkhal ku yimaad araga, maqalka oo daciifa, dheefshiidka oo xumaada (indigestion). Muruqyada oo xanuuna, garaaca wadnaha oo kordha (tachycardia). Daal farabadan, dareenka jidhka oo yaraada, Prolonged erection, or persistent painful erection of the penis (priapism).
Gabagabo
Waxa jirta in dawadani ay tahay dawo xanuun lagu daweeyo, ee anay ahayn dawo cid waliba iska isticmaali karto, sidaa awgeed waxaan u soo jeedin lahaa dhalinyarada caadaysatay isticmaalka dawadan iyadoo aan caafimaad daro u gayn, inaanay dhib gacmahooda ku doonanin ee ay ku mahad naqaan awooda alle u dhamystiray, oo ay ka fogaadaan isticmaalka kiniinada noocan oo kale ah.
Waxaana daliil kuugu filan inta nooc ee chemicals ka ah ee laysku daray ee ay ka samaysantahay taasi oo dhibi ka iman karto hadii si qaldan loo is ticmaalo.
Marlabad ila eeg maadooyinka kala duwan ee halkii xabo ee Viagra ahi uu ka kooban yahay
Ingridients of one tablet of VIAGRA is : Sildenafil citrate microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate, hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132) iyo kuwo kale.
Dawadu waxay dhaawici kartaa caafimaadkaaga hadii aad si qaldan u isticmaasho ee si taxadir leh u raac talaabooyinka dhakhtarka kuu qoray dawadu ku siiyo.
waa kalamadaha ku qoran waraqda yare e lagu soo rido galka dawooyinku ku jiraan intooda badan.
Si xun u isticmaalka dawooyinka (medication errors) waxay dhibaato ka soo gaadhaa malaayin qof sanad walba, halka billions of dollars ay ku baaba’aan dhibaatooyinka ay keenaa dawooyinku.
Ka digtoonaw isticmaalka dawo aan dhakhtar kuu qorin nooc kasta oo ay tahay.
Waxaana muhiim ah in la ilaaliyo shantan qodob ee ku bilaabma xarafka “R” ee la yiraa “R’s”, si looga hortago dhibaatada dawadu leedahay iyada oo ay iska kaashanayaan dhakhtarka dawada qoraya pharmacist ka iyo qofka bukaha ahi.
Right patient
Right drugs
Right dose
Right rout
Right time
Wa bilaahi tawfiiq:
C_qaadir88@hotmail.com
(source:somalilandedu.net)

Shukaansiga soomalida oo weji cusub galay & Erayada cusub ee raga adeegsadaan


Af-Somaligu wuxuu ka mid yahay Afafkaas faraha badan ee ka jira dunida. Waxaana lagaga hadlaa wadamada JSL, Somaliya, J. Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Mana jirto cid garaneysa xilligii uu bilaabmay ku hadalkiisu, lamana yaqaan tirada dadka ku  hadasha inta ay dhan tahay, laakiin arinta cid kastaaba ogtahay waa xilligii la qoray oo ahayd 1972kii?.
Erayada Sportiga ee loo adeegsado Hablada soomaliyeed..
Ummadda kasta oo ku nool dunida guudkeedu waxay leedahay “Af  ama Luqad”u gaar ah oo ay isku afgartaan wada hadal iyo qoraalba taas oo ay kaga duwan tahay  Ummadaha kale ee ay isu dhow yihiin degaan ahaan amase ay kala fog yihiinba..
Afsoomaligu markuu qornaa mudo kooban oo ah 17 oo kaliya ayaa waxaa dhacay  burburkii Soomaliya taasina waxay hakisay dhamaan howlihii socday oo ay ka mid ahaayeen amase ay ugu weyneyd cilmi baadhistii guud ee Luqada Afsoomaliga.
Waxaa  joogsatay sixitaankii Luqadeed ee ay wadeen Khubarada Afsoomaligu,waxaan suurto gelin in la diiwaan geliyo erayada cusub ee ku soo biiraya Afka Soomaliga,guud ahaana waxaa meesha ka baxay howl kasta oo loo qaban lahaa Luqada Soomaliga,waxaanan filayaa in marka laga baxo xaalada hadda jirta  Luqada Afsoomaliga loo qaban doono wixii loo qaban karo.
Intii ay jirtay luqada Afsoomaligu waxaa markasta soo baxayey erayo cusub oo ku soo biirayey , haddii ay tahay qoraal ahaan ,hadal ahaan iyo sida erayga macna ahaan loo isticmaalaba,erayada cusub ee Soomaaliyoobay inta badan waxay ka yimaadeed wadamada deriska ah  iyo kuwa inga fogfogba,kuwaas oo dad aad u fara badan  ay u qaxeen ilaa haddana u sii qaxayaan ,erayada macnihii loo isticmaali jiray la bedelayna waxaa inta badan ka masuul ah dhalinya rada Soomaaliyeed  wadan kastaba ha joogeene.
Erayadii sanadahaa 1980-kii hirgalayna waxaa ka mid ahaan jiray kuwan hoos ku qoran .
Jiroos – ku dhac – waan u genbiyey – waan ka dhigtay – Dhoore – Xariifka – Reer baadiye, Aw Cismaanka – Wuu bacaysan yahay – Waa laga danbeeyaa iwm.


Qaab aad ku daahin kartid biyabbaxa

Soomaalidu waxaad moodaa iney ka dib dhacday hormarka ay gaadheen umada dunida meel walbo  hormar ayaa laga gaaray hadii aay ahaan laheed Aqoonta wax barashada ,Caafimahadka, iyo dhamaan heerarka aqoonta aanu db ugu so noqono Aqoonta galmada  waxay bulsha weynta aduunka hormar la taaban karo ka gaadheen Dhinaca Aqoonta galmada , waxaa jiro dad yoow u istaagay jaahil bixinta iyo  hormarinta dadkooda waana sida
hadaba  baaritaano la sameeyey ayaa lagu ogaaday in haweeneydu marka ay sara marto macaansi badan ninku dareemayo misana ninka ayaa faaiidoyin badan ugu jiraan Marka ay haweeneydu sara marto waxaaase ka mid ah in ragga durbaba biya baxa ay isku cel celis wax yar  ceshan karaan Biya marka ay haweeneydu sara marto,

Dumarka ayaa logu baaqayaa marka ay dul saarantahay seygeeda in aysan sameen dhaq dhaqaaq badan sida ayada oo isku qab qabata xubinteda taranka  iyada oo si aad ah iskugu sihin ama iskugu luxin Sokoryaroowga Macaanaheeda  ayadoo  si boobis ah u sameeneen galmada waxa ay awoodeysaa  in ninku u celiso biyaha dag daga ku baxaya.

Ragga ayaa lo oranayaa  biya baxaada dawo uga dhig in haweeneydaadu sara marto uguna baaqdo aysan si awood ku dheehantahay u kil kilil xubinteeda taranka  muhiimada ugu weyna waxay tahay in aadan Niyeeysan marka ay biyuhu kaso dhowyihiin Maskaxdaada ka saar oo maankaaga gali sheeko waayo waayo ah iyo filimaanta cabsi cabsida ah durbaba waad ilooweysaa biyihii soo socday .

Qaar ka mid ah Gabdhaha Somalida oo Laga helay Cudurka damac-naageed


Dhawaan waxa soo shaac baxaya dhaqamo kala duwan ooy haweenku somalidu lasoo baxeen waxaase ogsoonahay in Soomaalidu lagu tiriyo dadka ugu Dhaqamada wanaagsan Afrika ama Dhamaan Caalamkaba balse Maalinba maalinta ka danbeeso aadbay usii qalibmeysaa dhaqamadu ay Soomalidu caanka ku ahyd.

Ka gadaal markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Somalia 1991 dii ayaa Soomaalidu noqdeen kuwa dukaashada Rafiiiqna ka dhigtay rafaaad waxa ay ku soo Ambadeen Daafaha caalamka ruux walba wuxuu aaday Meeshii tabartiisu geeyso, Soomaalidu waxay noqdeen kuwa Qaarkood Magac ku leh meelaha ay ku noolyihiin qaarbaa Fanaanimada kusoo baxa Qaarbaa Masuul ka noqdo goobtaas uu joogo qaarbaa  Wax barashada kaga gaara meel Heersaro ah .

Intaas iyadooy jirto ayaa qaar ka mid ahi noqdaan kuwa Dhaqan doorsamo rag iyo haween balse mowduuca maanta aan doonayo inaan ka hadlo damiirkuna iidiiday in aan ku fiirsado ayaa ah Haweenka soomaaliyeed ee Dhaqan doorsamay walooow Raguse jiraan kuwa ka mid ah oo ayaguna dhaqan doorsamay Muwduucyada kale ayaan uga hadli doonaa haduu eebe idmo.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah waxaa laga hirgaliyey Dhaqamo la xariira diinta (Cristian) oon meelna kasoo galin  Diinta Nasteexada iyo Nolosha badan ee (MUSLIM) ka sida  in Ninku xaaskiisa lala isticmaali karo, in ninku uusan awood ku leheen Maamulka guriga uu aabaha kayahay, (in haweenku isa isticmaali karaan iyagon Rag tabin) .

Qodobadaan ayaa laga hirgaliyey Yurub iyo Ameerica iyo dhamaan dalalka aanan diinta islaamka lagu maamumiln waana dhaqamo xun xun kaso gudub taa Haweenka Somalida ayaa noqday kuwa iyaguna mid iyo labo kusoo kordhaya bulshada  kuwaa oo lagu arkaya dhaqanka lagu yiraah afka qalaad Lesbian marka la macneeyana ah in Haweenku isa isticmaali karaan, Waxaad arkaysaa in hablihii somaliyed iyagoo is dhuuqaya ay isa soo sawiryaan iyaga oo isku raaxaynaya isa soo sawirayaan iyagii  qeebaha kala duwan ee jirka iska isticmaalaya waliba aanan la oran karin waa sawir lagu xaday diyaar waxay uyihiin in sawirkaas laga qaado waana kuwa dhoola cadaynaya ku faraxsan Dhaqankaan baas eey ku jiraan .

Dhamaan habalaha Somaliyed waxaan ku dhiiri galinayaa in ey ka waantoobaan dhaqamdan xun xun iyo sawiradan foosha xun ey soo galinayaan Internetka waxaa had iyo jeer cabasho ka taagantahay Haweenka Somaliyed oo Muqaalo kala duwan laga hayo iyagoo rag ajanabi ka ah isku hor qaawinaya waana Dhaqan xun uuna Eebe raali ka ahyn marka hadalkeyga waxan ku soo koobayaa walaalaha Muslimiinta ahooow Ogsoonoow in Aakhiro Xisaaaaab ku sugeyso.

Shabakada Alcarabiya  Codka Bulshada Somaliyed waxay faaafineysaa wacyi galinta iyo baraaarujinta Bahda Soomaaliyeed ee aanan Nasiibka uyeelan in ey ku raaxeestaan Dalkooda hooyo  Shabakadani waxay idin soo Gudbineysaa Barnaamijyo kal duwan waxayna Jeceshahay iney noqdaaan dadkeedu kuwa Wax bartay , Waadna ku Mahadsantahay sida wacan ood Qoraalkan qiimaha badan u aqrisatay .

Abdulfatah Ali Samatar Sablale

Cape Town, South Afrika

sablale@hotmail.com

Dumarka ibta dheer ayaa ka dareen fudud kuwa kale

Waxaa uu Eebo nasiiyey dareeno kala duwan dabeecado kale duwan dhaqan kala duwan iyo Jismi kala duwan Ruux walba oo koonkani saaran waxa uu leeyahay Dabeecado ugooni ah iyo Dad walba oo isku tagana waxay leeyihiin Dhaqamo gooni gooni ah aano kasoo gudubno Horuu dhaca mowduuca.
Haweenka ayaa Eebe isku mid ka dhigin mid walbaa waxay gooni u tahay Calafkeeda Jismigu waa kuwa aynaan ka mid ahyd waxaan xusayaa Mowduuc aan isleeyahay aadbeey uga heli doonaan dhagaystayaasha iyo Aqristaasha Wabaahinta Codkacaasimada.com.
Waxaa Daraasad xaga Galmada ahi lagu sameeyey Haweenka 85% lagu ogaaday in Haweenka ibtooda dheertahay ooy ka qaadasho fudud yihiin gariirka Galmada Gaaban halka kuwa ibta aanan lahyn ay gaadhayaan 16% Culumada ku taqasustay Cilmi nafsiga ayaa soo gudbiyeen maqaalkani.
Dumarku waxa ay si fudud ugu nugul yihiin dareenka Kacsiga iyadoo inan walbaa dareento dareen uqaas ah misana dumarka waxa ay aad uxiiseeyaan in Laga jiqo Naasaha weliba ibta naaska iyadoo sidaas ay tahay waxa ay ku kala duwanyihiin miuda ibta soo dheer leh oo ka qaadasho og mida ibta yari waana xaqiiq iyo wax lasoo ogaaday Culumada uqaabilsan Aqoonta Galmada Shabakada Alcarabiya.

Waxtarka toonta



Toonta wax badan ayay qabataa waxaa ka mid ah
1- jirka ayay ka ilaalisaa sunta iyo jeermiska
2- caloosha ayay nadiifisaa marka lagu darsado malab
3- dhiig-karka way u fiicantahay
4- kaadida ayay socodsiisaa meelaha kaadida soo martana way furtaa
5- amiibiyadana (dosantarida) way dishaa
6- calool-xanuunka way roontahay
7- hargabkana way ka hortagtaa
8- qofaca daran way joojisaa
9- kansarkana way la dagaalantaa
10- gooryaanka way dishaa
11- cadhada way fiicantahay
12- maskaxdana way uu fiicantahay waxay kordhisaa xafidaada
13- cirridka iyo ilkaha way xoojisaa
14- awoodda galmada way badisaa
15- madax xanuunkana way u roontahay

Waxtarka timirta

Timirta waxay leedahay nafaqo aad badan waxay xoojisaa murqaha iyo dareemaha

jirka, jirkana waxay ka ilaalisaa gabownimada degdegga ah, timirta waxaa kaloo ay

daaweysaa dhiig yaraanta iyo cudurada xabadka ku dhaca, naagaha uurka leh waxay

u keentaa itaal iyo firfircooni, ilmaha yaryar si dhqsi bay ku korisaa indhaha waxay ka

ilaalisaa cudurada soo waajaha, subax walba ruuxa caano ku cuna timirta waxay u

keentaa xasillooni waxay ka qaadaa murugta, mindhicirada waxay ka ilaalisaa

xanuunka maskaxdana way xoojisaa beerkana way  nadiifisaa awoodda galmadana

way kordhisaa, timirta waxay leedaha  Fitimiin (A)  fitimiin (b) lama soo koobi karo

faa'idooyinka ay leedahay timirta

Sida xabadsowda loogu daaweeyo kacsi yarida

Sida la ogyahay xabad-sowdo waa daawo cudurro badan baa lagu daaweeyaa, marka waxaa lagu daaweyn karaa kacsi yarida ama howlgabka nin iyo naagta soo waajaha marka sidan u samee haddii aad rabto inaad adeegsato xabad-sowda

Waxaad ku dhex shiidaysaa 200 GRM xabad-sowda  100 GRM saliid saytuun, kaddib waxaad ku daraysaa 

luubaan  shiidan 50 GRM kaddib waxaad ku daraysaa saliid xabad-sowda 50 GRM kaddib bagal 50 GRM

kaddib waxaad ku daraysaa 200 GRM malab si fiican ayaad isu qasaysaa marksta aad qado ama quraac

ama casho aad cunto waxaad liqaysaa hal qaaddo

Ereyo Soomaali oo macne kale yeeshay 2011

Maxaad ka taqaana afsomaliga cusub ee sanadka 2011-ka?  Mase jaceshahay in aad waxka ogaatid waxa ay isla dhex jiidhayaan jiilka hada soo kacay? waxaa yimid odhaahyo cusub oo ay isku afgartaan jiilka hada, laakiin waxaa ku jaahwareeray kalmadahaasi dadkii waaweynaa iyo kuwii ka yimid meela klale sida qurbaha.
1. Igu lambary – waa lambarkaaga ii qor
2. Waa baska dambe – waa carmal
3. Waan ka lushaa – waan jecelahay
4. Cid kale ay urarantahay – mid kale ayey la wadaa
5. Gaarigayga maahan – noocan kama helo
6. Igu liq- warka isii
7. Dawami – dhib
8. Wa igu jiq – mobelkaa iga madhan
9. Igu looxo – lacag isii
10. Waan tufay- waan nacay
11. Waa igu jug – meel bay iiga taalaa
12. Luuq buu ku jiraa – waa xaas
13. Igu ifi caawa – aynu kulano caawa
14  Wuu dhalaalayaa – dibaduu ka yimid
15. Biyaha dahabka iga daa – beenta iga daa
16. Way tigtigantahay – waa tahriib
17. Jeebkiisaa qoslaya – waa oday
18. Lug bay aastay – way guursatay
19. Tacsibaa utaal – waa lala guursaday
20. Laydhka iga daa iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.
nadar abdilaahi haaji
nadarjeesto@hotmail.com

Sidee lagu badin karaa kalsoonida raaxada lamaanaha

Hargeysa, (NNN) - Khubaro samaysay cilmi-baadhis dhanka jinsiga ah ayaa sheegay inay heleen wadiiqo lagaga bixi karo mushkilaha ka yimaada guurka. Hadii lamaanaha ay doonayaan inay ku nolaadaan farxad iyo wanaag markaa waa in caruusadu shan sannadood ka yaraataa caruuskeeda, isla markaana ay ahaato mid leh maskax iyo faham wanaagsan.
Baadhayaal la socda Iskuulka Dhaqaalaha ee Geneva ayaa sgheegay in raacitaanka wadiiqadani ay kordhin karto fursadaha lagu heli karo guur farxad iyo cimri dherer leh. lamaane ku soo baxaya wadiiqadan ayaa la sheegay inay yihiin boqorka iyo boqorada Edinburgh.
isagoo jira xilligan 83, ayaa la sheegay in boqoradu 4 sannadood iyo 10 bilood ka yar tahay boqorka, iyagoo ka soo wada jeeda isla qoys boqortooyo, isagoo Philip yahay xubin ka tirsan boqotooyada Greek iyo Danish-ka.
Dadka baadhitaanka laga qaaday oo dhan 1,074 lamaane da’dooduna u dhexeysaa 19 ilaa 75 ayaa la sheegay in gabadhu ay boqolkiiba 27% ka maskax badan tahay ninkeeda, isla markaana haysato shahaado 
aanu isagu haysan.
Nguyen Vi Cao, oo hogaaminayey baadhitaankan ayaa sheegay,'hadii dadku ku socdaan tilmaamahan ay ku dooranayaan lamaanahooda, waxay kordhin kasraa fursadaha farxadooda, iyo cimri dhererka guurkoda boqolkiiba 20%. Waxa sidoo kale lagu sheegay baadhitaankan in lamaanayaashu wakhtiga ay ugu nolosha macaan yihiin tahay marka ay ka soo wareegto arooskooda laba sannadood, kow iyo toban bilood iyo sideed cisho. Baadhayaashan ayaa weydiiyey lamaanayaasha wakhtiga ugu nolosha macaanaa guurkooda, iyagoo 4,000 ka mid ahi sheegeen wakhtigaa.
Carol Richardson,  oo baadhitaankan sameeyey ayaa yidhi, 'baadhitaankayaga waxaanu ku ogaanay in xilliga ugu fiican nolosha lamaanayaasha Ingiriisku xilligaa ku jirto. sida wada lugaynta, wada qaadashada kaftanka fiidkii iyo wadaagida wada shaqeynta guriga ama xalida weelka. laakiin ma jirto sabab aad u heli weydo hadaan raacdo tilmaamahayaga guur farxad iyo cimri dherer leh.
baadhitaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu ogaaday in dumarku ka helaan hadyadaha ubaxyada, macmacaanka iyo amaantaba laba iyo badhka sannadood ee ugu horeeya. raga ka caawiya hawsha guriga iyo karintaba inaan la gaadhin sanadguuradooda sadexaad ee guurkooda.
www.nasiibnews.co.cc

Dhaqanka Somalida iyo kaalinta ay kagka jirto hooyada Somaliyeed

Hooyada Somaliyeed waxey udub dhaxaad u tahay waxkasta oo horumar ah oo uu dalka Somaliya gaaro amaba gaaray.Hooyada Somaliyeed waxey isku darsatay Geesinimo, Daacad, karti,Barbaarita ubadka, odayga reerka oo ay ka ilaalin jirtay inuu seexdo isagoon casheyn ilaa xag rabi laga waayo mahane , Martida iyo waxkasta ooba maanta Hooyo Somaliyeed laga qori karo.


Hadaba ma jiro ruux maanta dhihi karo hooyada Somaliyeed ayaan maalin iyo habeen ku soo koobayaa kaalinta ay bulshada kaka jirto laakinse qofkasta waxaa waajib ku ah inta uu nolosha hooyada Somaliyeed isagoo wax kasaa ku soo gaaray inuu bidhaamiyo si jiilka ka danbeeyo u helaan meel ay wax ka bilaabaan hadey noqon laheyd inuu wax ka ogaado dhaqanka hooyada Somaliyeed ay ku lahey amaba kaka jirto bulshada.

Hooyada Somaliyeed ma ahan markii ugu horeysay ee wax laga qoro siiba amaan oo waxaa hore ugu heesay, gabyey, Buraanburay, amaanay abwaano somaliyeed oo rag iyo dumarba leh. waliba fanaaniinteena qaranka hooyada Somaliyeed aad ayey u amaaneen sida ha iilan Hooyoy. Hooyooy Macaan iyo wax la mid ah.


Hooyada Somaliyeed marka ay da yar tahay waxey nolosha u maareysaa hadba sidey u qabato. waa deeqsiyaal oo intooda badan waa isku dhaqan. marka ay ku nool yahii dhulka Miyiga ah waxey dhisaan hoyga ay ku nool yahiin caruurtooda sida Aqalka, Ardaaga, Edega waxaraha iyo wax la mid ah. waxey kariyaan cuntada markaasi loo baahan yahay iney cunaan qoyska xitaa hadii ay maalintii oo dhan ay ku maqneyd xoolaha ilaaliskooda.

Hooyada Somaliyeed marka ay miyiga ku nooshahay waxey magalada u soo qaadaa caanaha, Subaga, iyo waliba hadba markaas waxiikale oo ay awoodo iney u iibkeento magaalada sida geed miroodka ka baxa dhulka Miyiga ah sida Jicibka, Ohobka, Mareerka, Dhabayga, Muraha iyo wax la mid ah. waa laga yaabaa in magacyada geedaha Somaliya sida loogu dhawaaqo kala kedisan yahiin laakinse dhaqanka baadiyaha iyo Somalidu waa isku mid inta badan.

Hooyada Somaliyeed inta badan hadii ubadka ugu horeya oo ilaah siiya uusan aheyn geber inta badan wey ciishootaa waayo gabatu waxey si hoose u ogaan kartaa baahida rasmiga ah ee reerka oo hooyadu sida ay geberta waxkasta ugu sheegan karto uguma shegan karto wiilka.

Waxaa kale oo taasi kasii daran marka lag ahadlayo nolosha qoyska waxey kaka walwal badan tahay Aabaha maxaa yeelay iyadu isha kaliya oo ay rerka Somaliyeed ku tiirsan yahiin. waxaa dhici karta noloshaas adag iyagoo ku jira in qaarkood uu guurkoodu noqon sidey rabeen oo uu ku soo aado nin qabiid ah amaba inta dhawr dagaal oo jahliya inta ka qeyb galay asiga dhanba hadal naxariis badan aysan ka heli ilaa ay caruurteeda u koraan.

Hooyada Somaliyeed hadii iyadoo jiran uu canug keeda ah jirado xanuunkii hayey wey iska iloobeysaa waxaana ku abuurma walwal iyo walbahaar sidaasi daraadeed waxaa laga yaabaa sidey ubadka noloshooda ugu fikireyso in mudo aysan helin wax yaabo badan oo maanta xaasaskeenu heystaan.

Hooyada somaliyeed mark ay ku nooshahay magaalo.

Inta badan hooyada ku nool magaalda wax badan kama dhib yara hooyada miyiga waxa ay ku kala kedisan yahiin oo kaliya sida ay hooyada magaalada wax yaabo ay ka mid yahiin biyaha la cabo iyo wax la mid ah ugu sahlan yahiin hooyada miyiga uguma sahlana laakinse inta kale waa iskaka mid.

Imsa jeer ayey indhaheygu qabteen hooyo Somaliyeed oo waliba isk adaruufeysan oo ilmaheeda midka ugu weyn marka uu hana qaado noloshuna ku adkaato uu is dhaho dibada aad ay hooyada Somaliyeed ilmeysay iyadoo og xaqiiqda nolosha lagu jiro hadane ma ogola in ay caruurteeda mid ka mid ah uuka tago amaba ku noolaado meel ka baxsan xeyndaabka gurigeeda amaba Aqalkeeda.

Hadaba Hooyadii Somaliyeed oo wadankeeda hadey ku qadsan tahay iyo hadey ku dhergan tahay ku faraxsanaan jirtay maanta halkey wax u marayaan? hooyada Somaliyeed hadey ku nooshahay miyi iyo magaalo maanta waxey ku jirtaa xaaladii ugu xumeyd ebed, waayo dalkeenii hooyo waxaa maanta hooyada Somaliyeed ku heysta silac, abaaro, nolol xumo caruurtii ay dhaleen oo maalinba mid debka lagu shidaa iyadoo magacyoo fara badan loola baxay ubadkoodii sida kooxo diimeed, magac qabiil iyowaliba mid maamul goboled amaba dowlad dhexe ayaa intuba maanta hooyo kasta waxey ku weyneysaa qaar ka mid ah ubadkooda.

Iyadoo dhibtaasi jirto ayaa hadane waxaa wadanka yimid niman aan naxeyn oo la yiraahdo Al Qaida oo shacabkii ka dhigay mid ay dilaan, dhacaan, xubnaha jirkooda ka beec mushtaraan sida Kaliyaha, Beerka iyo wax la mid ah. waxaa waxkasta ka sii daran sida hooyadii Somaliyeed qaarkood maanta hortooda loogu dilayo caruurtooda.

Waxaasi oo dhan iyo dhibaatada ku habsatay hooyadii Somaliyeed oo xiligii ber samaadkii feer iyo fara laab ku soo korisay caruurteeda ay maanta nolol la taaban karo ku weysay dalkeeda xiligii ay ku nasan laheyd unbadkii ay intas ku soo tiir iyo tacab beeshay.tiiyoo oo ay hada da ka taba timid oo aysan u muuqan ifafaalo wacan oo ay dib noloshooda ugu maareyn karaan.

Hadaba ayidoo intaasi jirto Somaliyeey aniga waxaan hooyada Somaliyeed u bixiyey ( Iftiinka bulshada)


Hoga Wararka Sugan
Hiran state online
C. Khalif

Maseyrka dumarka iyo jacaylka maxaa ka dhexeeya

Asc Dhaman inta wax ku qorta inta ku xirane aqrisa iyo maamulkaba salaan gaara Mr D/Wadaag suaasha ah dumarka maseyrka ma wuxuu ka yahay jaceyl ay u ahayaan ninka qaba mase waa xasidnimo iyo naf jecleysi aankala qaadno. Xaaskaada kowaad hadey kuu heyso ilmo ayna tahay mid dhanwalba kaa anfacday xaga gogasha nadaafad owlaadeeda daryeesha ayna leedahay sifooyinka naagaha wanaagsan aadna aheydeen dad isku qanacsan hadaad la guursato taasi maseyrkeedu waxaan kutilmaami karnaa (jaceyl ) hadii ayse noqoto xaaskada haweeney dhalmo deysay ama dhalyar ama aaban dhalin waligeed oo ay kaa maseyrto taasi waxan kumacneyn karnaa Xaasidnimo.GUUD AHAAN maseyrku waa wax ku abuuran insaanka weyse ku kala duwanyihiin dumarka waxa inaga mida qaar meel cidla ah ka hinaasa oo sabab unoqda in lala guursado iyo qaar wax cad markey arkan hinaasa iyo qaar aaban hinaasin bal ku kaalmeeya ragooda iney guursadaan.Maseyrku wuxuu ku dhaxalsiin karaa waali iyo isagoo kaa saara nolol wanaagsan kuna dhaxalsiiya dulinimo hadaad ahaan jirtay qof aamusan waxaad noqoneysaa qof hadal badan waxaa laga yabaa inaad sheydan saaxiibb la noqoto qofka haduu sheydan wehel u noqdana aduunkana qiimo kuma yeesho aaqirana xisaab Eebe ayaa sugeysa Hadaan Dumar nahay midbaan u dardaarmayaa Hadaan ku qanacno Qorshaha Eebe ogow Illaah nama dayici doono hadaanse ku qanci weyno qorshaha Eebe waxaa laga yaabaa Minweyn xurmaleh adoo ahaa inaad Noqoto Minyaro ku nool Walaac iyo is ilaalin waayo ninkan aad minyarada u noqotay hortaa ayaa lasoo maamulay.Midna Raga ayaan u dardaarmayaa dumarka illaah idiin baneeyay ku dhaqa cadaalad runtana u sheega midwalbana uu muuji inaad iyada dunida ugu jeceshahay Allana kaalmeysta.Mida iigu danbeysa oo aan ku soo afmeerayo qoraalkeyga waxey tahay.Ninka qaba hal ka badan ee hadana damca inuu badsado mid haka taxadaro xaaskaada danbe waxaa laga yaabaa iney ka duwanaato kuwaadi hore aan soo qaato qodobka ugu muhiimsan ee ah Raaxada guurka kuwi kuu horeeyay hadey ahaayeen kuwa ku anfaca aadna ka heli jirtay raaxo dhameystiran qofta danbana ay noqoto midaan garaneyn fadlan bar waxa ay raaxo tahay hadiise adiga ay kuu soo hormareen kuwa adiga kaligaa aad ka xaajo gudato kadibna aad tiraahdo markan kaa muraadsado ma jecli in jirkeyga lataabto oo aad hurdo la dhacdo taasi ma soconeysee ogaada sida aad u jeceshiin wax walba oo raaxo laga heli karo ayay u jecelyihiin iyagana Rag waxaa jira hadey islaantiisa baasheyso ka lalaboonaya arintaa ka wacyi galiya raga Raaxo taam noqoshadeeda waa iyadoon laqarin siwalboo aad jeceshahay iyo dareenkaada dhabta ahee illaah kuugu deeqay waa aragtideyda waadna mahadsantihiin. W.W.W.
---------------------------------------------------------------------------
Waxaa qortay Runsheeg dumar wuxuu ahaa commenti markan akhriyay commentigeeda ayaa la dhacay hadalka ay qortay waa wax aad u anfacaya nimanka iyo naagaha soomaaliyeed runsheeg dumar aad baad u mahadsantahay

Gabadh diin leh wax ka fiican waa la waayay

Run ahaantii wax waliba waa laga sabri karaa oo waa la is illowsiin karaa diinta mooyee, gabar aan diin lahayn ka fogow si kasta ha u qurux badnaatee, gabar diinta ku dhaqmaysa ruuxa hela mustaqbalkiisa aakhira ayuu helay qof ugu kaalmeeya, gabadha dhiinta leh waxay garanaysaa waajibka saaran iyo xuquuqda ay leedahay waxay taqaanaa dulqaad muxuu yahay waxay taqaanaa sida loola dhaqmo ninka iyo sida loo barbaariyo carruurta iyo sida loo nadiifiyo guriga iyo jirkeeda, gabdhaha soomaaliyeed badankooda waa dad diinta jecel marka Alle waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwa diinta ku dhaqma

Nin labo naag hal habeen la aqal galay

Waxa maalmahaan aad uga falooday jaraa'idka carabta taariikh cusub u furay taariikhda guurka Soomaliyeed kadiba markii uu hal habeen la aqal galay laba haween oo soomaliya ,jaraidka ayaa faloooyin badan ka bixiyey arooskan iyo samaynta uu ku yeelandoono shacabka ama umada islaamka iyo dalalka carabta oo ay soomalida ay dhaqan iyo hido meel ka soo wada jedaan.

Dhacdadan oo la yaab la noqotay dad badan aya waxa ay saxaafada carabtu ku qoreen beegagka xaga hore iyaga oo sawiraka caruuska siciid maxamed cabdilaahi iyo labada carusadood Ubax salaax cawad iyo Sahra Maxamed Cabdi iyaga oo ay waliba sii macneyey kulan oo labada magac ee ay sitaan labada lamanee ay midna afka carabiga ay tahay midna afka Soomaliga ayna isku macna yihiin taas oo ay ku tilmaamen in ubax afka Soomaliga ay tahay Sahrina ay tahay afka Carabiga labaduna ay isku macno shegayaan , Taas oo ay ku tilmaameen Mucjiso, Dad badana dhira galinaysa inay ku daydaan Siciid , hayado badan oo ka tirsan hayadaha qoyska ayaa arinka aad uga doodaya.

Sida ay qoreen wargays ka mida wargaysyada carabta iyada oo dhawaana la filayo inay ka sameyaan sheekoyin iyo filimo sida uu qoreen wargaysayada, shekadan ayaa mudo sii socon donta faladeeda iyo qoralada ay qoraan saxaafada carabta.

Naagaha 40 jirka oo ka daran dareenka kuwa da'da yar

Dumarka weyn oo hela Galmo Macaan(baaris badwyen sameeyse)
Kadib markii labada lamaane in mudo wada jogaan  ayaa haweneyda waxa ku sii kordha kalsoonida galmada waxa eyna u baahan tahe  in ay galmooto lamaankeeda ame duqeyda
Daraasaad  cusub ey sameyse shabakada caalamiga badweyn  oo kafaloota arimaha bulshada iyo siyaasada aya ku ogaatey haweynka waa weyn macaan farabadan kaheylaan raaxada galmada si  dhab ah u helaan marka ay ku dhawadaan sanada afartaka ame kaweyn xiligaas oo guud ahaan  xishoodka galmada ka baaba’ayo
Haweebka ayaa tilmaamay in da’da afartanka ku helaan raaxada macaankeeda ayna helaan qibrad taasi oo eysan helin xiliga da’a laatameyda ku jirto
Warbixintaan barista ah  aya lagu ogaadey 85%haweenka da’da afartanka ku jira ama ka weyn ey raaxada galmada u baahanyihin ilaa 12 bishii kuwa labaatanka ku jira u baahanyihin ilaa 9jeer bishii
Waan filaa in wax kabadeli doonto warbixintaan barista sameese badweyn  maamooyinka somaliyeed waa hubaal in daqooshin badan boorka iska jifi donaan iyadoo  qurxi donaan qolka jiifka si galmada u macaato inbadana raadis u geli donaan  rag  segooda noqda
Sihaam Cali Nuur
Sihaamcali3@hotmail.com
Madaxa wararka badweyn ee UK

dhunkashada

Afka ayaa lagu tilmaamaa qeybta labaad ee raaxada marka laga soo tago xubnaha taranka labada lamaane. Waxaana xusid mudan in dhunkashada ay dhowr nooc kala leedahay oo mid waliba ay wadato heer kul u gaar ah.
Dhunkashada Dheer (Dhuuqmada) waa mida afka dhan uu ka qeyb galo, bishamaha carabka, ilkaha iyadoo qoor gilin ay ku jirto. Waxa la xaqiijiyay in ragga %70 iyo %62 oo haweenka ah ay jecel yihiin noocaan.
Dhunkashada carabka waa midda madax ilaa labada cagood gaarta.
Dhunkasha Isha waxaa ku jira ixtiraam iyo cishqi sidoo kale dhunkashada baarka indhaha waxaa jecel haweenka 40%, ragga ayaa iyana 60% ka hela dhunakashada dhagta.
Dhukanshgada balanta waa dhunkashada naaska waxaana jecel ragga 75% halka haweenkuna 94% jecel yihiin.
Dhunkashada Sanka waxaa jecel 90% haweenka halka 55%, ragguna ay jecel yihiin.
Dhunakashada kadiska qof oo aan ku ogeyn oo aad dhukansho ku xado ayaa heer kulkeeda waxa uu yahay 10 darajo.
Dhunkashada caadifada leh heer kulkeeda waa 20 darajo.
source: xogsheeg.com

Haweeney Soomaali ah oo been lacag gaareysa £250,000 ku heshay,Sidee ku dhacday?

Ayaan Cabdulle, waa Haweeney Soomaaliyeed, waxay been ay ku dacwootay ku heshay lacag gaareysa £250,000 oo lacagta Pound-ka Ingiriiska ah.
Ayaan waxay adeegsatay magac aan sax aheyn oo ah Aamina Muuse markay iska dhiibtay Ingiriiska,iyadoo ku noolaan jirtay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden oo ay iska dhiibtay sanadkii 1994-tii.
Waxay uga dacwootay wadanka Ingiriiska in dadkeedii la laayay, sidaasna ay ku kaliftay in dalkeeda Soomaaliya ay ka soo cararto iyada iyo shan caruur ah oo ay wadatay iyo saygeeda.
Ayaan waxay Ingiriiska timid 2004-tii, xilligaas waxaa la socday caruurteeda oo shan ah oo haatan da’ ahaan uu ugu weyn yahay 17-sano jir iyo saygeeda Raage Aadan.
Saaxiibteeda oo la yiraahdo Hodan C/llaahi Cigaal oo ku nool Gothenburg waxay tiri “Ayaan waxay jecleyd nolosha halkaan, waligeedna shaqo ma aadin, si dhib la’aan ah ayay lacagta ceyrta ku qaadan jirtay, waxayna ku qarash gareyn jirtay Saaxiibadeeda Muqdisho”.
“Laakiin iskuma aysan taxalujin barashada luuqad kale, oo waxay ka door biday inay u guurto Ingiriiska” Hodan ayaa tiri sidaa.
Ayaan oo ku dhalatay sanadii 1969 Muqdisho, waxay Ingiriiska u sheegtay in 1 December 1998 ehelkeeda la laayay, xilligaas oo run ahaan aheyd xilliga gabadheeda ay ku dhalatay Sweden.
“Waxay dhihi jirtay halkan lacagta si fudud ayaa lagu helaa,waxay aheyd mid ay ku qanacsan tahay, dhibaato la’aanta helidda lacagta” sidaa waxaa tiri Hodan.
Intii u dhaxeysay June 2004-May 2010 ayaan oo ku nooleyd Neasden, Waqooyi Galbeed London, waxay heshay £261.358.14 oo lacagta Ingiriiska ah, taas oo isugu jirtay dhamaan lacagaha qaxootiga loogu tala galay.
Dad saaxiibadeed iyo Dariskeeda ah waxay sheegeen in ninka kaliya ee soo booqanayay uu ahaa Adan, hase ahaate waxay iyadu isaga diiwaan galisay Sweden in ay guursatay nin 41 jir ah oo la yiraahdo Xasan Maxamed Cismaan sanadkii 2007-da.
Waxay siisay magaca aabaha canugeeda lixaad oo dhashay 2009-ka C/rashiid Maxamed Cumar oo ah Soomaali ka yimid Kenya 2006, isla markaana dacwo ahaan ku yimid Ingiriiska Ninka ama Sayga Aamina Muuse.
Ayaan waxay kashiftay dhagarta ay sameysay, kadib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah qaraabadeeda.
Qof hore saaxiib ugu lahaa London ayaa yiri “Waxay aheyd qof sir adag, waligey ma arkin saygeeda (Ninkeeda) lix sanadood, waxay badalatay nambarka taleefankeeda, mana la xiriiri karin iyada”.
“Waxay ku noqotay Gothenburg afar mar, iyadoo hal mar aaday Afrika” ayuu yiri qofkaasi.
Maxkamadda Harrow ayaa Afar sano iyo bar xabsi ah ku xukuntay ayaan, kadib markii lagu helay tuhumo dhagar ah, kuwaas xad gudub ku ah Nidaamka Qaxootinimada.
Haatan Lama celin karo, maadaama arrinteedii xukun ku dhamaatay, sidoo kale waxay qaadatay sharciga Dhalashada Ingiriiska sanadkii 2009-ka.
Isha Warka:- DailyMail
Maxamed Midnimo
Tafaftiraha Xogsheeg
Email:- xogsheeg@hotmail.com 

Meesha ugu dareen badan jirka gabadha

Waxaa suurta gal ah in haweeneydu jirkeeda dhan ay ka kacsato, hase ahaate waxaa sii jira haween meelo gaar ah ka kacsada, marka ragoodu u tagayaan.
Haweenka inta badan waxay ka kacsadaan, Carabka, Dhuunta, Calaacasha (Lugaha iyo gacmahaba), Dhagaha iyo xudunta, waxaa jira haween sidaa ka duwan.
Haweenkaas waxay kacsadaan marka ay galmo ama falgal ay sameynayaan uun, iyadoo haween kale iyana ay ka kacsadaan xubinta dumarka.
Balse ogow in Haweeney kasta ay dareen u gaar ah leedahay marka tan dumarka kale ay la wadaagto laga soo tago, dareenka kacsiga haweeneydana waa mid qaarkood ku abuuran iyo mid dumarku iska keenaan.
Waxaa fiican in Ninka ragga ah uu ogaado meesha ugu wanaagsan ee xaaskiisa dareenkeedu aad uga kaco, maxaa yeelay haduusan ogeyn dhibaatooyin badan ayaa dhanka xaaskiisa kaga iman kara.
Warbaahinta Xogsheeg / Arrimaha Qoyska
E. xogsheeg@hotmail.com

Imisa ayuu gaaraa dhererka dabiiciga ee xubinta ragga

Aad bay u kala duwan yihiin dherarka xubinta ragga ama guska, taasina waa abuuris ilaahey, balse waxaa jira dad si qaldan ka fahansan qaabka dherarkaasi uu ku yimid.
Nin kasta waxa uu leeyahay dherar dabiici ah oo ilaahey uu ku hibeystay xubintiisa, balse waxaa jirta tiro qubarada caafimaadka ay soo saareen oo ninka ugu xubin dheer uu gaarayo.
Hadaba intaanan tirada u guda gelin waxaa warbixinta qubradani ku qoran in xubinta ragga qaar isaga oo aan kacsaneyn uu aad u dheer yahay halka qaar kale marka galmo ay sameynayaan uu noqdo mid aad u dheer, hase ahaate waxaa jira rag intaa ka duwan oo iyagu ilaahey uu ku abuuray xubin iska dherar yar.
7 Centimeter ilaa 15 Centimeter waa dherarka dabiiciga ah ee guska, halka ragga xubinta  gaaban marka galmo ay sameynayaan uu dherarkoodu gaaro 12 Centimeter, taasina waa tiro aad u fiican marka loo eego dhanka galmada.
Ninka ugu xubinta dheer waxa uu dherarkiisu inta la hayo noqday 24 Centimeter, waana qiimeynta cilmiyaysan ee xilliga uu galmada ku jiro.
Ma ahan in ninka xubinta gaaban uu yahay nin aan wax tari karin ama uu yahay mid ku fashilma galmada xaaskiisa.
Dherarka ama dheeraanshaha guska ma ahan mid dhibaato dumarka u keenaya, waxa dheeraad ah oo uu raaxada dumarka ku soo kordhiyo ma jiraan, marka laga reebo hadba ninka iyo farsamadiisa, si naagtiisu raaxo uga hesho.
Dhaqaatiirta qaar waxay aamin san yihiiin in ragga xubinta (guska) gaaban ay faa’iido ku qabaan dumarka, xilliga uu galmada ku jiro, taas oo ah marka uu ka bixinayo iyo marka uu galinayo, waxayna taasi dumarku ka helayaan raaxo iyo kacsi dheeraad ah.
Gaba gabada nuxurka warbixintani dherarka ama gaabnida xubinta ninka hadii dhibaatooyin caafimaad aaney qabin waa ku kaafi naagtaada ama xaaskaaga.
Ogow in wax jira aaney aheyn isticmaalida dawooyin, si qofka xubinta gaabani uu u dheereeyo xubintiisa, taasi waxay ku keeni kartaa qofka dhibaatooyin xubintiisa ku timaada sida ma dhaleysnimo iyo kuwa kale.
Warbaahinta Xogsheeg / Arrimaha Caafimaadka Qoyska.
E. xogsheeg@hotmail.com

Ma kuu sheegaa Sirta ka dambeysa Webseedyada badan ee Soomaalida?

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Assalaamu Caleykum….
Intaas kadib ilaahey baa mahad leh Allihii caafimaadkan ina siiyay, awood aan ku caabudnana noo dhameystiray.
Waxaan jecelaaday inaan faah faahin yar iska bixiyo aniga inta xuuraansigeygan aanan u guda gelin.
Magaceygu Waa Maxamed Bashiir, waxaan ku guda jiraa arrimaha Saxaafadda gaar ahaan Bahda Qoraalka ku dhawaad mudo 5 sano ah, waxaan in badan la soo shaqeeyay webseedyo caan ah oo afka Soomaaliga wax ku qora iyo warbaahinta qeybaheeda kale.
Hadaan u gudo galo Qoraalkeyga waxaan rabaa inaan iftiin badan uga bixiyo Umadda Soomaaliyeed inta qibradeydu la eg tahay, maxaa yeelay waxaa had iyo jeer igu soo noq noqota su’aal ah,
Maxaa laga faa’iidaa Webseedyada sameyntooda?
Webseedyada sameyntooda sidaan la socono mudooyinkii ugu dambeeyay waxay noqdeen kuwo aad u batay, waxaana dhihi karaa in dukaamo (Meherado) oo kale loo furtay.
Aad bay u fiican tahay inaan arko Warbaahinteenna oo badata, balse tiro badashadoodu waa mid aan qiimo ku fadhin dhan kasta maanta, taasna mid idin ka qarsoon maahan Shacabku iyagaa kala garsoori kara.
Waxaa mudan inaanan dafirin inay jiraan Webseedyo aad u tiro yar oo waajibaadkii la rabay ee Warbaahineed ka soo baxay.
Inta badan Webseedyadan tiro batay waxaa furtay ama sameystay sida jawaabta u kuur gelideydii aan ka helay dad aan aqoonta Qorista Afka Hooyo iyo tii Saxaafaddaba wax badan aqoon u laheyn, balse diiradu u saartay qodobo aan hoos ku sheegi doono.
Intaanan qodobada (Sirta) kuu sheegin inaad ila ogaato aad bey u fiican tahay in dadkeenna Soomaaliyeed Webseedyada xumaanta ama dadka lagu caayo ay aad u aqristaan, taasina ma garanayo aniga wax aan ku tilmaamo..!
Qodobo badan oo sirta Webseedyadani u tiro bateen ay asal u yihiin ayaa kala ah:-
  • Lacag laga helo Webseedyada, waa hubaal inaad is weydiineyso sidee lacag looga helaa?
    Jawaabteeda waa tan “Waxaa lacag looga helaa webseedyada qaabab badan, qaabka ugu badan ee Soomaalidu aadka u adeegsato waa Xayaysiinta Shirkadda Google ay bixiso, taas oo la dhaho Google Ads, waxaa jira Webseedyo Shirkadda Yahoo xayaysiimo tan la mid ah iyana ka hela, balse waa isku mid, waxayna xayaysiimahani ka helaan webseedyada halkii mar ee click ama Gujji la siiyo 1$, iyadoo qaar intaa ka badan ay jiraan”
Waa Tusaale Google Ads ah
* Waxaa jira Webseedyo aan badneyn oo iyagu xayaysiimo ka baxsan kuwa Google iyo Yahoo ku hela lacag, taasina waa tusaale Shirkadaha Xawaaladaha oo xayaysiin loo sameeyo.
* Qodobkan waa sababta ugu badan ee Webseedyo badan sameyntooda asal u tahay, waxayna si aqristayaal badan u helaan sameeyaan warar aanan sax aheyn (been abuur), taas oo aan filayo inaad aragteen.
* Qabyaalad “Inkastoo xilligan la joogo qodobkan aanu aad u badneyn, hadana waxaa jira Webseedyo tiro yar oo wali af qabiil ku hadla, ma ahan in magaca webka laga garan karo qabiil, balse qofka sameeyay ee wax ku qora ayaa Qabyaalad u adeegsada isagoo huwan magac Warbaahineed “
* Gaaritaanka Warbaahin dhab ah “Waa yar tahay inta u shaqeysa Warbaahin rasmi ah, balse inta hadda jirtaa %90 way ka tiro yar yihiin aqristayaashoodu kuwa kale ee beenta qora”* Ujeedka Warbaahinta ceynkan ah waxa uu yahay gaaritaanka Warbaahin dhab ah oo kuwa Caalamka lamid ah, waxayna had iyo goor ku dadaalaan xaqiiqda dhabta ah sidii ay u heli lahaayeen.
* Urur (Siyaasad iyo Bulsho) “Webseedyada noocan ah waxaa uu ujeedkoodu yahay taageerida Ururro Siyaasadeed, iyadoo qaar kale oo ka duwan iyana ay sameystaan Urarada Bulshada, waxayna ku soo gudbiyaan ajandahooda shaqo”.
Intaan oo idil waxaan ku soo helay xuuraansigeyga iyo su’aashii dad badani i weydiiyeen, kuwa kaloo badanna ay wali is weydiinayaan, waxaanse filayaa in daah fur intaa ka badan ay jiri karto, balse waxaan ku cudur daaranayaa inay intaasi tahay inta qibradeydu la eg tahay iyo natiijadii aan ka helay u kuur galideydii Su’aashan aan ciwaanka uga dhigay Qormadeyda.
Wabillaahi Towfiiq
Wixii qalad,sixitaan iyo talo celin ahba iigu soo dir Ciwaankeyga:-midnimo55@hotmail.com
W/Q:- Maxamed Bashiir Midnimo 

Wiil yar oo jirkiisu Magnad yahay

Bogdan waa wiil yar oo 7 sano jir ah, waxa uu jirkiisu noqday mid magnad ah, iyadoo alle uu awood u siiyay in sida magnadka oo kale uu shey kasta oo magnadku qabto uu jirkiisu soo qabanayo.
Bogdan sida Sawirada iyo Muuqaalka aanu idiin soo bandhignay aad ku arki doontaan, waxa uu xabadkiisu magnad ahaan u qabanayaa shay kasta, iyadoo bir iyo dhoob midna aanuu u kala saareynin.
7 jirkan waxa uu u dhashay dalka Serbia,sida reerkiisu sheegeen looma ogola inuu fariisto goobaha ay ka ag dhaw yihiin walxaha korantada ku shaqeeya sida Kombiyuutarada,Telefishinka, maxaa yeelay waxa uu jirkiisu si toos ah sidii magnad oo kale ugu dhagayaa qalabkaas.
Marka laga soo tago halista reerkiisu sheegeen inay ka ilaaliyaan, waxa uu jirkiisa magnadka ahi u xifdiyay reerka Telefishin hagaha (Remote control), kaas oo inta badan guryaha reeraha caruurtu ay lumiyaan.
Bogdon wax culeys ah ma dareemayo, sida wariyaha tv-ga MSNBC uu ku soo waramay, iyadoo arrintani shaki aysan ku jirin inay kamid tahay Mucjisooyinka iyo awoodaha dadka qaar uu alle siiyay.

Sida xaaska looga keeno Biyaha

Afti la sameeyay ayaa lagu sheegay in 70% haweenka aysan helin macanka gariirka galmada taasina ay sabab u tahay iyadoo ninka uusan sameyn gogol xaar bashaal ah oo ku filan gabarta si dareemaheda u kacaan ama in uusan aqoon goobaha sida gaarka ah gabarta uga kacsato .
Hadaba si gabarta u hesho gariirka raaxada(U Bislaato ,Kacsi La Ooyso) waxaa muhiim in marka ninka dareemihiisa kiciyo si gabarta u dareento in qofka sidaa loo dareemayo tahay iyada .
Codka ninka waxaa xusid mudan in dareenka gabarta uu kiciyo isla markaana sara u qaado kacsigeeda isaga oo codka xam-xam leh ugu sheekeynaya iyadoo hadii uu si wacan ula fara-cayaaro isaga oo xoogga saaraya goobaha ay ka kacsato waxa ay keeneysa in dhan-dhanka gariirka galmada hesho marka weerarka galmada uu bilaawdo.
Adeegsiga faraha iyo bishimaha adiga oo ku xoq-xoqaya goobaha dareenka badan ee gabarta ay ka kacsato waxa ay keeneysa in ay gariirka galmada ay hesho taasi oo ah midda aad u raaxo badan .

Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO ah!

Markaad waydiiso niman badan oo guurdoon ah oo soomaaliyeed gabadha uu rabo inuu guursado sifooyinkeeda wuxuu kuugu jawaabayaa, waxaan rabaa gabadh raaliyo ah! Markaad sii su’aasho raaliyo waxay tahay sharaxeeda, qaarbadani waxay ku jawaabaan raaliyo waa raaliyo, qaarbadanna way ku kala fikir duwanaadeen gabadha raaliyada ah sifadeeda. Hadaba raaliyooy yaad tahay.

  • Gabadha aan guursanayaa waa inay ahaataa mid aan hadalkayga hadal ka daba keenin. Markaan hadlayo waa inay iyadoo khushuucsan i hor timaadaa iyadoo hoos eegaysa. Xaraf kasta oo aan farana waa inay isla markiiba ku dhaqaaqdaa iyadoon hadal kasoo celin. Raaliyadaydu waa taas.
  • Gabadha aan guursanayaa marka ay ila hadlayso waa inay hadalkeeda hoos u dhigto, maadaama oo ay naagtaydii tahayna waa inayna ila doodin, ila murmin, igu qaylinin, i karaahiyeysanin, cadhadeedana waa inayna itusin marnna. Raaliyadaydu waa taas.
  • Gabadha aan guursanayo waa inay ogaataa inaan anigu iska leeyahay inta Ilaahay ka sokaysa, sidaa darteed si kasta oo aan ka yeelo waa inay iigu dul qaadato hadal la’aan. Raaliyadaydu waa taas.
  • Maadaama oo ay diintu ii ogolaatay inaan maamulo iyada, hadaan i dhaahdo albaabka ha gaadhin waa inayna gaadhin, hadaan i dhaahdo maanta oo dhan idul taagnow waa inay samaysaa, hooyadeed oo sakaraada hadaan idhaahdo ha u tagin waa inay hadal la’aan i maqashaa. Gidaarka madaxa u sii jeedi 24/7 hadaan i dhaahdo waa inay samaysaa. Aniga Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa sidan, sida wax loo qoro waa inayna aqoon, wixii aan anigu cilmi u baro mooyaane cilmiga kale oo dhan waa inay ka dhago la’aataa, afcarabi hadaan kula hadlo waa inay moodaa inaan aayad quraana u akhrinayo, Raaliyadaydu waa taas mida jaahilada ah ee aan anigu sidaan rabo wax u baro.
  • Gabadha aan guursanayaa habeenka u horeeya waa inay i dareensiisaa inaan ahay sayidkeedii, sidaa darteed waa inay gacanteeda kusoo qaadato ushii aan ku edbin lahaa. Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa mida iyadu gacanteeda iigu soo xusha gabadhii aan la guursan lahaa. Taas weeye Raaliyadaydu.
  • Aniga raaliyadaydu waa inay ahaata mida markasta ka fikirta sidii ay ii raali galin lahayd aniga bas, waa inay ahaataa mid aad ii kool koolisa, markastoon guriga soo galo waa inay ii diyaarisaa musqushaan ku qubaysan lahaa waa inay diyaar sii ahaataa, cunto midii ugu macaanayd waa inay iisii diyaarisaa, ubadka buuqooda waa inay iga ilaalisaa, guriga iyo nafteedana waa inay sii giijisaa. Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa inay noqotaa mid dadka kala hadasha bas inta aan anigu u ogolahay bas, waalidkeed hadaan necbahay xataa waa inayna la xidhiidhin maadaama oo aan anigu qawaam u ahay. Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa mida lacagta aniga iga sugta, maalkeeda iyo nafteedaba waa mida ii hibaysa. Hadii ay lacag leedahayna waa inay iga idin qaadato waxay ku samaynayso lacagteeda. Raaliyadaydu waa taas.
Hadaladaas aan soo sheegay oo dhan iyo kuwo kasii badan oo aan soo koobi karin, waa hadalo ay ku riyoodaan in badan oo kamida nimanka guurdoonka ah. Hadaba Raaliyooy maxaad tahay, ma sida kor ku xusan mise si kale oo aan la aqoon, akhristahaan jawaabta u daayey.
WQ: Anisa Sh Ibrahim
25-07-2009
anisa@khadijahome.com

Ima fahamsanid [Xabiibi]

Alle ayay u sugnaatay mahad oo dhan ka yeelay guurka iyo  usrada aayad ka mida aayaadkiisa    nabad galyo iyo  naxaris korkiisa ha ahaato suubanahii na baray wax walba iyo sidaan u wada dhaqmi lahayn   Intaas ka dib
Daraasad laga sameyey Urdun taasoo la faafiyay dhawan waxay xaqiijisay kala duwananshaha u dhexeeya ragga iyo dumarka inuu gaarayo 2200 , waxaa laga yabaa furuuqdaas u dhexeeya labadan jinsi inaysan aad u fahamsanayn in badan oo inaga mida. waxaa la dhihi karaa iyadoo la barto fanka la iskula dhaqmayo iyo isfahamka 2qof. jacaylka iyo kalgacalka la isa siiyo waxay xoojinaysaa inay is bartaan labada qof lab iyo dhediga waxay kaloo xoojinaysaa inay bartaan kala duwananshaha u dhexeeya taasoo u sahlaysa wada noolaansho ku dhisan isfaham iyo is ixtiraam, waxay kaloo u sahlaysaa inay ka dheeraadaan mushkilado badan kuwasoo ka taagan guryo badan . waxay u sahlaysaa oo kale hadey mushkilad timaado sidii loo xalin lahaa iyadoo midba kan kale fahamsan yahay ama yaqaano dabeecadiisa ilaahay ku abuuray uusan marna bedeli Karin lakin uu ula dhaqmayo sideey tahay,, sidaa markay dhacdo waxay ku noolanayaan 2da is qaba nolol jacayl ku dhisan iyo is afgarad Furaha sacaadada noloshu wuxuu ku jiraa gacmaheena ee kuma jiro gacmaha cid kale hadeey saas tahay maxan ugala bakhaylaynaa nafteena nolol qurux badan, nolol la mida aduunka janadiisa.
Fahamka khaldan ee ninka.
Waxa ka mida fahamka khaldan ee ninka inuu ula dhaqmo hawenayda sidiii nin la mida,, ama cagsiga ula dhaqmo cagsiga waxaan ula jeednaa inuu ka soo qaado ama ka dhigo midaan lahayn shaqsiyad gaara ee noqota mid isaga uun daba socota , hadalkeeda , dhaqankeeda , nolosheeda 2daa xaaladood ma awoodo inuu la dhaqmo ama fahmo ama helo xalka mushkilada ama kula nolaado nolol wanagsan , waxa ka baxaya meshaa noloshii laga rabay inay ku nooladan lamane kasta oo wada nool , Mawadah iyo Raxmah..Taasoo uu Allah ka yeelay aayad ka mida aaydihiisa ,,
Waxaa ka mida yareysida xaaska ama xaqiraada, xaqiraadaas oo salka ku haysa waa dumar Rayi ma leh waxay ka ogtahay ma leh nolosha , hadey talo soo jeediso lama qaaato iyadoo daliishada inta badan raga qaar, oraahda ah ( Shaawiruuhuna wakhaalifuuhuna) taasoo aan islaamka uga jirin meelna laakin ka mida dhaqamada aan wanagsanayn iyo caadooyinka xun xun ee lagu hal qabsado,, sidaa markay dhacdo xaaskii way is ciishaa iyadoo waliba qarsata caradeda cidna uma sheegto maxaa yeelay lalama tashto , lama ixtiraamo, iyadoo leh aqoon iyo khibro laga yaabee inay marmarka qaar kaga hormarsantahay ninka.
Waxa ka mida fahamka khaldan ee ninka inuu xaaskiisa ama qofkii dumarka ahayd ee uu markaa la tacaamulayay u,adeegsado Caqliga ,, inta badan Ragga waxaa sareeya inay adegsadaan caqliga markay la tacaamulayaan ama arin laga hadlayo lakin qofka dumarka ah waxa sareeya mar walba Caadifada ama mashaacirta, waxaa dhacda inuu ka maqlo marar (badna Alla maskiin, maxaa saas logu sameyay) ama iyadoo u janjeersata dhinac qof ay u aragto in la dulmiyay. Cabasho uu u cowday awgeed naxariisna uu galo qalbigeeda ,
waxaa laga rabaa inuu ula dhaqmo si ku haboon abuuritaankeeda taasoo ah inay badanaa ka hormariso caqliga caadifada, waa inuu fahmo dabeecadedas sideey tahayna kula nooladaa , waxaa ka mida ninku inuu fahmo oo uusan yareysan naseexooyinka xaaskisa sida shaqada , tarbiyada caruurta ama ay ka saacido xalka mushkilad markaa jirta isagoo ka dhiganaya Secreteeradiisa yuusana ilaawin in hooyadiis ay ka saacidey marar badan xalka mushkilado soo maray noloshiisa ama walaashiis inay ka saaciday dhibato xalkeed,,
Markaa hawenayda xaaska ah waxay la mid tahay waa hooyadaa ama walashaa ee caalam kale kama imaan ,,waa inaad qaadataa naseexadeeda iyo ra’yigeedaba, hadaad u aragto inuu ku anfacaayo. hadadan u aragna tixgali oo ku dheh xabibti waan ogahay rayigaga inuu fican yahay, lakin kuma qancin.
Waxaa ka mida fahamka khaldan ee ninka inuu isku qanciyo waxaa laga rabaa inaad keento maalka iyo dhaqalaha guriga looga baahan yahay, wax kale shaqo kuma lihid waa shaqada xaaska, sida tarbiyada caruurta sida inaad ka kaalmayso reerka hagaajinta guriga wixi ka xumaada ogaatid, wixiii maqan ogaatid. xitaa aad ku dhiri galiso kalmad wanagsan ba ha noqoteee `taasoo ku abuuraysa xaaska farxad iyo qalbigooy kaaga duceyso,, waxaa la sheegaa in dumarku ka hadal badan yihin raga hadaba hadeey saas tahay waxaa laga rabaa ninku inuusan dhibsan hadalkeda isagoo isku dejinaya waa dabecad, uusana dhihin hadal badanaa xalkeda , ra’yigeeda , mushkiladaha xalintooda kaalmadeda waa hadal uun isagoo fahamsanayn hadalka wuxu ka dhigan yahay xageeda , waxay u hadlaysaa hadaf kale . laakin uusan fahamsanayn isagu.
Markaa khaladku xageeda maaha ee waa xagiisa , waxaa ka mida fahamka khaldan ragga qaar si ay uga ordaan mas’uuliyadooda ama ka gaabiyeen waxay isticmaalaan ereyadaan.
Waan mashquulsnahay waqti ma hayo, waqtigaa igu ciriri ah iwm. Waxay noqotay wax caadi ah oo ku dhex faafay guryo badan. Waxay ka dhigan tahay iyadoo laga cararaayo mawaaqifta dhabta ah ee loo baahan yahay inuu wax ka qabto ama loo baahan yahay inuu agjoogo reerka, waxaa ugu wanagsan ee lagu maal galiyo waqtiga waa tan ay ka faa’iideystaan reerku lana siiyo waqti ku filan xaaska iyo tarbiyada caruurta si loogu istaago mas’uuliyada dhabta ah ee guriga,, waqtiga oo la nidaamiyo waxaa ka dhasha in wax walba la siiyo qiimihiisa iyo qadarinta ku haboon.
WQ:Najma Saciid
2009-02-24
najma@khadijahome.com


Guriga iyo Durriyada wanaagsan.


Islaamku waxuu ka yeelay guurka mid cibaado u ah addoomaha, oo ay Rabigood ugu dhawaanayaan, hadii si kale aan u dhignana , guurku waxaa weeye nus ama qeyb ka mid ah qofka diintiisa, taaso maalinta uu guursado uu dhamaystiray qeyb diintiisa ka mid ah. Dhisida guriga ama reerka wanaagsan waa qeyb ka mid ah mujtamaca, waana asaaska mujtamaca wanaagsan halka uu ka bilaabmo.
Haddaba muhiimada guurku maaha mid ku kooban  in qofku u guursado hammi ama baahi jinsi ahaaneed, kaaso aan ku dhisnayn xikmadda iyo sirta ka dambaysa guurka.
Guurku  maaha mid lagu gaadho dan gaar ah, sida adduunyo, lacag, magac iyo sumcad , laakiin waa mid lagu gaadhayo raali ahaansho Rabbi, iyo xassilooni naf ahaaneed, iyadoo qofka uu ka dhigayo mid dhawrsoon, masuuliyad Allaah saarayna uu qaadayo, masuuliyadaas oo ah mid qofka markuu guursado imanaysa, sida masuuliyada reerka dhaqaalihiisa, tarbiyadda carruurta, hab dhaqan wanaagsan oo labada qofba ku wada noolaadaan iyo dabcan mid waliba inuu ilaaliyo xaqqa kan kale ku leeyahay.
Haddaba naftu waxii ay barato ayay dhaqangelisaa, waana mid xaqiiq ah.  Qofku markuu rabo inuu guursado, waxaa habboon inuu thaqaafada guurka iyo nolosha qoyskana wax ka barto, isagoo raadraacaya Qur’aanka iyo sunnada iyo  kutubta islaamiga ah ee culimadu ka qoreen guurka.
Waxaa is waydiin leh, qofka muslimka ah marka ay hor timaado kaalintan uu ku dhamaystirayo qeyb ka mid ah diintiisa, miyuu iska guursanayaa, ?. Qofkii guur usoo bandhigaba miyuu ka aqbalayaa?. Ama ma xasuustaa siffooyinka qofka uu rabo inuu nolosha la wadaago, ee durriyada wanaagsan ka dhalan karaan?
Wakhtigan aan hada noolnahay waa yartahay in qofku ka fikiro guurka kan naajixa ah , ama noqon kara mid farxad leh,  maxaa yeelay waxaa laga horraysiiyay doorashada qofka wanaagsan waxyaalo aan qofka anfacayn ama noloshiisa guusheeda aan raad ku yeelanaynin, laakiin guuldarro iyo khasaare keeni kara. Waxaa badan dadka aan guurka ku dooran siffaha wanaagsan ee Islaamku ina faray, taasina waxay keentaa in guryo badan fashil noqdaan. Waxaa laga horraysiiyay guurka dan gaar ah, dantii marka la gaadhana waxaa timaada in guurkaba ay ka muhiimsanayd dantaasi oo reerka la dhisayba waxuu u burburaa dantaas lagu gaadhay guurka, ama waxuu  noqdaa mid aan ku dhisnayn farxaddii iyo noloshii saciidka ahayd ee la rabay.
 Qofka guursanaya si guurku naajix ugu noqdo waxaa habboon inuu tixgeliyo oo muhiimada siiyo in guurkiisa uu ka fiirsado.
Waxaa muhiim ah ugu horrayn, in labada qof yihiin kuwo Allaah subxaanahu watacaalaa addeeca, oo xidhiidh wanaagsana la leh, hadii taasi aanay jirin, oo aanad Allaah xidhiidh la lahayn,  dhinac walba oo noloshaada ah faashil ayaad ka tahay, aakhirona waa khasaare xaalkaagu hadii aad sidaas ku dhamaysato nolosha adduunka. Waxa hubaal ah qofka waajibaadka saaran kasoo bixi waayay inaanu ka soo baxayn masuuliyadda guurkana, ama aanu noqonayn mid qeyb ka noqda guriga wanaagsan dhisidiisa. Hadii labada qof ee is guursanayaa yihiin laba aan dan gaar ah isku dooran Allaah cazza wajal ku xidhan, waajibka saarana oofinaya, oo midna gaabis ahayn, waxay dhaxli karaan bi’idnillaah guri xassiloon.
Marka labaad naftaada kusoo dhis daacada Allaah subxaanahu watacaalaa, intaanad guursan ka hor, ha qabsato waajibaadkeeda, ha noqoto mid ah “nafsu mutmainah,”. Naftaada oo aad guurka ka hor soo dhistaa waxay tusaale u noqonaysaa akhlaaqda iyo tarbiyada dadka ka dhalanaya guurkaaga, iyo dhaqanka wanaagsan oo aad kula noolaato xaaskaaga. .
 Maaha wax natiijo fiican aad ka gaadhi karto hadii aad tidhaa markaan guursado ayaan wax walba iska baran oo ku dhaqmi. Waxay keenaysaa taasi khalad badan inaad kala kulanto la qabsiga waxyaalo badan oo aanad muhiimad siinin inaad barato guurka ka hor. Nolosha lammaanahu markay bilaabanto maaha mid tababar lagu qaadanayo, oo waxyaalo aanay naftu hore usoo baran lagu dhexbaranayo guurka.
Tusaale ahaan haddii aad maanta rabto inaad shaqo  dalbato, shaqadaasina ay u baahantahay shuruudo gaar ah, oo ay ka mid tahay , in waxan lagu shaqaynayo qofku aqoon hore u leeyahay, ma dalban kartid shaqadaas, maxaa yeelay aqoonteeda maba lihid mana kasoo bixi kartid, sidaaso kale guurku waxuu u baahanyahay inaad naftaada soo barto thaqaafada guurka iyo nolosha lammaanaha.
Guurkaaga oo aad u doorato qofka wanaagsan, adigoo siffaha qofka wanaagsan garanaya, waxaa uu noqonayaa mid kugu saacida nolosha aad rabto inteeda kale, siffaha qofka wanaagsana, waxaa ugu muhiimsan qof Allaah xidhiidh la leh waajibkii saarnaana ka soo baxay, waxii Allaah cazza wajal ka reebay ka dheer, waxii la farayna sidiisa u gudanaya.
Guurka markuu sidaas ku bilaabmo,  waxaynu ka rabnaa inaynu ka dhaxalno durriyad saalix ah, oo fikirka caqliga, tarbiyada iyo hammigoodu yahay kan islaamka. U fiirso addoomaha Allaah markay doorteen dad saalix ah oo ay guurka la wadaageen , ducadoodu siday ahayd.
 Suura Al-Furqaan - 74 ((ربنا هب لنا من أزواجنا وذرياتنا قرة أعين واجعلنا  لمتقين إماما))
Rabbigayoow hibo noogu sii zawjaadkayaga iyo durriyadayada inay noqdaan kuwo aanu ku il doogsano, oo nagu gaadhsii darajada kuwa Allaah ka cabsaday.
Ku ducayso mar walba in Allaah kaaga yeelo durriyadaada mid aad ku doogsato, durriyada saalixa ah waa midda Qur’aanku inoo sheegay, in maalinka aakhiro dadka kuwa durriyadoodu imaanka ku raaceen , iyagana dhammaantood maalintaas uu Allaah subxaanahu watacaalaa jannada isugu keeni doono.
Suura At-Tuur.. 21  ((والذين امنوا واتبعتهم ذريتهم بأيمان الحقنا بهم ذريتهم وما التناهم من عملهم من شئ كل امرئ بما كسب رهين                                                                                                 
Waxaa inbadan maanta dhacda in qofku ku doorto qofka kale waxyaalo aan baaqi noqonayn, ama noloshiisa raad wanaagsan ku yeelanaynin. Doorashada qofka aad guurka la wadaagaysaa waa inay noqoto in qofkaas waxyaaalo naftaada anfacaya aakhiro iyo adduunkaba aad ku doorato, aakhirona waad ku liibaani, adduunkana nolol fiican oo aad ka raali ahaato ayaad ku noolaan.
Xadiithkii rasuulka calayhi affdallu sallaatu wassalaam uu ku sheegay  siffaha haweenayda loo guursado ama lagu doorto, waan wada garanaynaa, kaaso ahaa in haweenayda loo guursado affar, maalkeeda, quruxdeeda, nasabkeeda ama ehelka ay ka dhalatay, iyo diinteeda. Waxaa la sii xoojiyay oo nebigu yidhi calayhi assallaatu wassalaam, ku guulayso tan diinta leh. Halkaas waxaad ka fahmaysaa in qofka diinta leh uu yahay kan ku anfacaya, noloshaada farxadeedana raad ku yeelanaya. Laakiin qofka marka horeba gaabinaya, ee ka gaabiyay waajibkii naftiisa saarnaa, waa adagtahay inuu gudo waajibka saran iyo xaqqa naf kale ay ku leedahayna.
Waxaan rajaynayaa inaan  is waydiyo ujeedada guurka aan ka rabno, hadana marlabaad is waydiino maxaa keena guurka naajixa ah?.
Wassallaamu calaykum waraxmatullaah.
WQ: Ahmed Hassan (muxsin)
2010-12-27
muxsin@khadijahome.com

Tarbiyada Caruurta xaga jinsiga Q2aad


Inta badan su,aalaha  caruurta ee ku saabsan xaga jinsiga ama xubnahooda taranka  inay wax kaa waydiiyaan waxay timaadaa ka dib marka ilmuhu arko  sida  qof weyn  jidhkiis  ama ilmo isaga la mida laakin ay kala duwan  yihin xubnihooda  taranku  sida wiilka oo arka gabadh qaawan  ama gabadha  oo aragta wiilkoo qaawan  markaana ay ku waydiiyaan  maxana  isku mid u ahaan waynay?! Iwm waxaa sidoo kale su,aalaha keeni kara  markuu arko ilmuhu  haweeney uur leh  kadibna uu is waydiiyo ? is waydiiso? Maxaa caloosha kaa helay hooyo! ,iyo  sida inuu waydiiyo aabe iyo hooyo maxa isu tihiin?  iwm  been haka dhaadhicin ilmaha ee ugu jawaab si run ah adoo xishoodka katagayn, falsafad iyo meel kale toonana la aadeyn jawaabta.
Tusaale ilmo 3 ilaa 6 jir ah su,aashii.
Ilmihii..Hooyo xagee ka soo baxaa ilmuhu markuu dhalanayo?
Hooyadii.. Maxaad u maleynaysaa ?
Ilmihii..Diktoorkaa ku jeexa seef caloosha hooyada!.
Hooyadii. Ma aragtay Diktoor seef  sita waligaa?
Ilmihii …May
Hooyadii Ilaahay swt  ayaa hooyada ku abuuray dalool  gaar ah kaasoo ku kaalmeeya   ilmaha dhalanaya inuu ka soobaxo caloosha hooyadii
Ilmihii.. waa xagee?
Hooyadii .. waa meel u dhow  meesha laga kaadsho laakin maaha iyada nafsad ahaanteeda  .
Waxaa la tixraacayaa  waa  fahamka ilmaha  iyo caqligiisa intuu le,egyahay sidaasna loogu sharaxayaa si  fudud uu fahmi karo, waxaa la siinayaa wixii macluumaad ah ee u u baahan yahay  iyadoon lagala bakhaylayn lagana xishoonayn jawaabaha  ku haboon da,diisana la siinayo,
FG.. Fikrada maqaalka iyo macluumadka qaar waxan ka soo xigtay Kitaabada kala ah  (Bimaadaa Tujiib low sa,alaka diflak  canil jins) waxaa qoray
Dr Mohamed Mustafa, iyo  kitaab kale oo la yiraahdo(Alcalaaqaad aljinsiyah fil  Islaam) waxaa leh  Sheekh  Marwan Mohamed  Ashicaar
WQ:Najma Saciid
2011-03-09
najma@khadijahome.com
Goormuu ilmuhu weydiiyaa su,aalaha

Su'aalaha iyo jawaabaha

Followers

Emailkaaga

Kala soco wixii cusub emailkaaga

© 2013 Raaxada guurka iyo Somali news. All rights reserved.
Designed by SpicyTricks