Home » , » Galmada badan dhib ma keentaa ?

Galmada badan dhib ma keentaa ?

Written By RG on Saturday, February 5, 2011 | Saturday, February 05, 2011

Galmada badan marka ay ka baxdo xadka dabiiciga ah waxay isu baddalaysaa dhibaato weyn, dadka way ku kala duwan yihiin waxaa jira dad maalintii dhowr jeer samayn kara, dad todobaadkii 3 jeer ama 2 jeer dad bishii samayn kara 2 jeer ama 1 jeer, taasoo dhan waxay u noqonaysaa awoodda Alle bixiyo oo dadku ku kala duwan yihiin, laakin haddii ruuxa uu dhaafo awoodda la siiyay galmada dhib ayay u keenaysaa, marka ruuxa waxaa loo baahanyahay inta uu jiro kacsi dabiici ah inuu galmo sameeyo xaaskiisa ku raaxaysto, ma aha inuu raadraadiyo kacsiga, shahwada waa keydka qofka waa inuu ilaaliyaa si cayaar ah inuu bixiyo ma aha
Share this article :

9 Comments:

  1. Anonymous2/05/2011

    galmada marka ay badato naagaha aad bay u dhibsadaan haweenka ma rabaan nin aad u galmo badan

    ReplyDelete
  2. Anonymous2/06/2011

    Galmada badan waxa ugu wacan kacsiga sa idka ah hadu kacsi jirin malasameyn karo

    ReplyDelete
  3. Anonymous2/06/2011

    Ahlan wasahlan marka hore waad salaamantihiin dhamaan dadka webkan iska leh iyo kuwa isticmaalaba waxaan jecelahay in aan idin waydiiyo hablaha marka suni loo gudo intee in leeg iyuu samayn ku yeelan karaa heerkoodii dareen ee kacsi ma u dhigmi kartaa gabadha aan la gudin ama intee u dhaxaysa gabadha aan la gudin iyo ta suni u gudan waad mahadsantihiin

    ReplyDelete
  4. Walaal gabar sunni loo guuday iyo mid aan la gudin farqi ayaa u dhexeeya midda aan la gudin ayaa ka dhow dareen ahaan, saan sheegnay naag kasta la guday ma dareen yaraato naago waxaa jira gudan haddan aad u kacsi badan, taas waxay ku xirantahay sida Alle u abuuray dadka, dareenka dadka way ku kala duwan yihiin, guud ahaan gudniinka saamayn ayuu ku leeyahay kacsiga

    ReplyDelete
  5. Pagekan u noqo

    http://raaxadaguurka.blogspot.com/2010/10/naag-fircooni-loo-guday-oo-haddana.html

    ReplyDelete
  6. hadii uu weenyahay dakarkeeyga oo uu xooganyahay sideen ugu ilaalin karaa inuu mudo dheer saas ii ahaado oo aan uga badbaadi karaa inuu jilco ama soo laabto.
    shukran

    ReplyDelete
  7. Waxaad ku ilaalin kartaa inaad ka fogaato xumaanta iyo seegada,

    ReplyDelete
  8. Anonymous9/27/2011

    asc akhyaarta waalasalaamay waxad iisheegtaan hadii aniga iyo xaas kaygu aanu kunoolahay giri keligayo dharka oo dhan hadaanu iskadhino oo habeen kii oodhan sidaa kuwada cawayno kucashayno qolka fadhiga tv ga kuwadadaa wano ilaa hurdada aanaan dhaba qabin xaaraan miyaa?

    ReplyDelete
  9. Nabiga صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri (cowradaada ka ilaalso xaaskaagi mooyee )

    laakin sida aad sheegtay waa laga fiicanyahay looguma talaggalin inaad sidaa u qaawanaato waayo insaan baa tahay oo sharaf leh, dharka in la iska dhigo dan baa keenta sida galmada iwm. laakin haddii aad ku joogto gurigaaga qaawanaan adiga iyo xaaskaaga oona meesha aysan jirin wada raaxaysi waa laga fiicanyahay

    ReplyDelete

Followers

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger