Lowska la dubo oo ka munaafacaad badan ka aan la dubin

Baniaadmka jirkiisa ayaa waxa uu u baahan yahay in uu helo cunto uu oo ka helo tamar iyo nafaqo. Nafaqada ayaa waxa ka mid ah dufanka kaaso oo aynu ka helo meelo kala  duwan sida xoolaha iyo dhirta. Dhirta laga helo saliida sida sisinta, qumbaha iyo lowska ayaa ah kuwa aynu ku qabno manaafacaad badan.
Hadaba lowska ayaa ka mid ah miraha dhirta aynu ka helo duxda. Waxaana lo’ogaaday in lowska la duboo uu ka fiican yahay ka aan la dubin. Dadbanina arintan aad ayay uga  yaabisay.
Natiijadan ayaa lagu gaadhay baadhitaan lagu sameeyay wadanka Maraykanka. Waxa la arkay markii tijaabada la samaynayay oo dab badan lagu dubayay lowska uu yeelanayo  diir kulaylka badan ka difaacayay. Diirkaasina waxa uu ka ilaalinayaa in vitamin E-du ka baxdo. Waxa kale oo badanaysa avantioxidanter marka marka la dubayo.
Waxana natiikjadu noqonaysaa in marka la dubo lowska uu boqolkiiba 22 noqonayo mid waxtar badan leh. Waxana ugu sii faa’iido badan diirka qolofta ah ee uu leeyahay.
Safiya Ahmed
Ladaneey Magazine
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes