Lowska ku dadaal inaad cunto

Nooca lowska la yiraa pistage-ka ayaa waxa ku yar koolhaydraadka kor u qaada miisaanka qofka.
Hadii aan jecel nahay in aan cuno pizada iyo nacnaca ayaa waxa aan marna meesha ka maqnayn in qayb inaga mid ahi kor u kaco miisaankoodu. Miisaanka kor u kacayna uma fiicna caafimaadka. Laakiin nasiib wanaag waxa aynu u cuni karnaa nooca lowska la yiraa pistage-ka sidii nacnac oo kale, sabtoo ah waxa ku yar koolhaydraadka. Arintan cunida lowska noocan ah ayaa waxa shabakada www.kk.no ku tilmaan lowskan in uu yahay ilo caafimaad.
Lowska pistage-ka ayaa waxa xabadiiba ku jirtra 3 koolyadraat halaka kuwa ka mid ah lowska kale ku jirto 12 koolhaydraat. Waxa kale oo ka buuxa lowskan fiitamiinka B-ga, macdamo iyo faybrer.
Pistage-ka ayaa waxa uu asal ahaan ka baxaa wadanka Iiraan, waxa aadna looga jecel yahay meelo badan oo aduunka ka mid ah sida kalifoorniya.Waxa lagu gartaa lowska noocan ah in marka uu bislaado ay qolofta uu ku dhex jiro dilaacdo oo kala baxdo.
Qofka jecel in uu cuno lowska noocan ah ayaa waxa u haboon in uu gato kuwa qolofta wata, sababtuna ay tahay in uu qofku waqti u hayn in uu maanta oo dhan qolofta ka dhilsho, taasina waxa ay yaraynaysaa koolhaydraadka uu ka heli lahaa.
Arintana waxa baadhitaan ay sameeyeen khuburo ka tirsan jaamacada Eastern Illinois ku soo bandhigeen in dadka gata lowska qoloftiisa wata ay  boqolkiiba 41% uu hooseeyo koolhaydraarka ay ka helaan lowska marka loo eego kuwa iibsada lowska oo qolofta laga soo dhilay.
Waxa soo diyaarisay
Saynab Ahmed
(source: kk.no)
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

3 comments:

  1. walal wad mahadsantahay waxan jecla in an ku weeydiiyo siduu bu kayahay looska lamarsado rootiga o gasacesan kaasi muxu wax tar leeyahay iga so jwb walal ado mahadsan

    ReplyDelete
  2. waa isku mid laakin mid aan wax lagu dardarin ayaa ka fiican oo dabiici ah

    ReplyDelete
  3. walal macan mahadsanit aad iyo aad

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes