Nin lagu eedeeyey inuu diley xaaskiisa



Nin lagu eedeeyey inuu ku diley xaaskiisii oo 2 wiil u haysay dalka Norwey iyo Diini Jaamac Fidhin oo ay xigto yihiin ninka wax dilay oo VOA-da uga waramaya siday wax u dhaceen xaga hoose ka dhageyso.

Wargaysyada ka soo baxa dalka Norway, ayaa maalmahan qorayay sheeko la yaab leh oo ku saabsan nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu xaaskiisa dilay. Qisada ugu la yaabka badan ayaa ahayd, in maydka gabartaas laga helay dhinaca dambe ee baabuurka seygeeda.
Haweenaydan ayaa boolisku ay radinayeen tan iyo 19kii bishii October 2010, kadib markii ninkeeda uu ku wargaliyay in uu laa’yahay xaaskiisii. Wiilkan oo ahaa wiil deganaa aadna u dabeecad wanaagsanaa, wuxu sharci la’aan ku ahaa dalka Norwey mudo sideed sano ku dhow , waxa mar qudha dawladu ka joojisay shaqadii, sharcigii uu sugayeyna wuxu helay go’aankii kama dambaysta ahaa oo diidmo ah, kadib waxa ku dhacay xanuunka maskaxda ee loo yaqaan Qulub ama (Depression). Wiilkan Somaliga ahaa wuxu kasoo jeeday gobolka Awdal. 

 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes