Home » , » Xaaskaagu jacaylka ay u baahan tahay waa sidee !

Xaaskaagu jacaylka ay u baahan tahay waa sidee !

Written By RG on Friday, December 31, 2010 | Friday, December 31, 2010

Nimanka waxaa badi ku adag in ay gartaan waxay rabto xaaskoodu. Waxaa dhacda iyana sidoo kale in ayna iyadu usheegin waxay uga baahantahay isaga, markay wax usheeganaysana waxay usheegataa oo ay udirsataa kali ah hawl iyo adeeg, oo waxay yareysataa arimaha ku saabsan dareenkeeda, wada jirkooda iyo jaceylkooda.
Hadaba hadey garan weydo iyadu in ay dareenkeeda kuu sheegto, taas ooba laga yaabo in ay ugu wacantahay hawlaha badan ee ay ku jirto ama sugaya daraadood, ha iloobin baahideeda iyo in aad weydiiso ileen ninkeedii baad tahaye. Ogowna waxay ku daalayso waa gurigaaga iyo caruurtaadee.
Hadii aad adigu ilowdid taas oo ay iyaduna yareysato oo aad naftiina saa ku ilowdaan, waxaa imaanaya dhexdiina muran, xanaaq kadibna waxaa dhexdiina ka dhalan mashaakil iyo isfahan waa, gurigiinana waxaa ku yaraanaysa farxada iyo jeceylka..
Gabadhu mar walba waxay ka rabtaa ninkeeda in uu dareensiiyo xasilooni, jaceyl iyo ihtimaam badan. Amaanta iyo hadalka macaan ee uu ninkeedu ku dhahayo iyadana, waxay ku caawiyaan in ay u adkeysato ama ay ilowdo dhibaatooyinka ay nolosha kala kulmeyso.
Ogow baahida dumarku waa isku mid’e, ha ahaato mid yar oo ay da’deedu jirto18 ama mid wayn oo ay da’deedu jirto 45. Dadka badankoodu waxay moodaan, haday gabadhu kor udhaafto 45 sanno ’waynaato’ in ay baahideedu ku koobantahay cunto iyo labis, oo aysan wax kale uga baahnayn ninkeeda. Saas daraadeed ogow baahida xaaskaagu waa meesheedi ha weynaato ama ha yaraatee!
Waxay kaaga baahantahay:
  • Dareensii in ay saaxiibadaa tahay:
Dareensii in aysan jirin cid kale oo aad usheegatid sirtaada, mushkilaadkaaga iyo farxadaada.
Dareensii in aad ubaahantahay caawimaadeeda.
Usheeg mar walba dareenkaaga.
Tus ‘dhankaaga dabacsan’ sida in aad ku ag oydid haddii ay murugo ku haysato.
La qaybso farxadaada tusaale marka wax laguu bishaareeyo.
Ku seexo dhabteeda markaad walwalsantahay.
Usheeg waxaad maalintaada lasoo kulantay, hana umaleyn in uu bilaa micne yahay, ee xageeda wax muhiim ah ayuu ka yahay. Ogowna sida ay gogoshu (galmadu) muhiim kuugu tahay in ay iyadana muhiim ugu tahay wada hadalkiinu.
Waydiiso talada hadey arin kugu adkaato.
Usheeg in ay iyadu tahay saaxiibadaa oo aad iyada kaliya ku kalsoontahay.
  • Maqashii hadal macaan:
Macaaneey ma ii keeni kartaa!!
Qalbigaygii, caruurta aan seexino aan wada farisanee!!
Indhaheyga doogoodiiyey ku aaway!!!
Iftiinkii noloshayday kaalay aan wada hadalnee!!
Illaahay igama kaa qaado, la’aantaa maxaan sameyn lahaa.
Dhagaheedu ha bartaan in ay kaa maqlaan hadalada macmacaan iyo amaanta, kuwaas oo iyada dareensiinaya xasilooni iyo farxad qalbigeeda.
Sir ma kuu sheegaa ninyohow? Hadey xaaskaagu hadal macaan mar walba kaa maqasho, waxay ku dadaali in ay wax fiican kuu sameyso oo ay ku fakari in ay kuu qabato wax kaa farxiya.
  • Si naxariis leh u taabo:
Markey kula hadlayso ama aad adigu la hadlaysid xaaskaaga, gacmaha ama timaha u salaax.
Adoo udhoola cadeynaya eeg xaaskaaga markaad la hadlaysid, gacmaheeda qabso markaad usheekeyneysid.
Dhabtaada saar iyada markaad wada fadhidaan fadhiga. Dhunko mar walba oo ay wax kuu qabato.
Baro mar walba oo aad baxaysid ama aad soo galaysid guriga in aad dhunkatid xaaskaaga.
Hadaad is ag fadhidaan iska dhig mid wajigeeda wax ka tirtiraya ama usalaax madaxa.
Ogow! Waxyaalahaas oo dhan waa waxa jaceylka iyo xiisaha siyaadiya.
  • Ihtimaam sii iyada markay ehelka iyo dadku joogaan:
“ fiiriya xaaskayga cuntada ay karisay ee cajiibka ah”
“ xaaskaygu waxay tiri Illaahay kheyr ha siiyee….”
“ sidaas ayey sameysay…maxaan sameyn lahaa la’aanteed”
“ aad ayey ii caawisaa, kheyr Illaahay ha siiyee”
Tus ehelkaaga ama ehelkeeda sida aad ugu faraxsantahay xaaskaaga, markaas waxay dareemi xaaskaagu farxad, waxaanan kuu balan qaadi in ay aad kuu jeclaanayso.
  • Ra’yigeeda dhegeyso oo ixtiraam:
“xabiibti aniga ma ila fiicna arintaas oo saas ayaan yeeli, laakiin kaaga waa ra’yi jira oo waan ixtiraami inkasta oo aanan qaadanaynin”
“walaal way fiicantahay arinta aad sheegaysid, laakiin kuma qanacsani”
“cuyuuni waan fahmay waxaad sheegaysid, laakiin ma sameyn karo, sababtoo ah sida aad u aragtid uma arko inkastoon ixtiraamayo ra’yigaaga”
Waxaa dhici karta in aad isku khilaaftaan ra’yiga, laakiin waa in aad ixtiraamtaa ra’yigeeda, hadaad rabtid ha qaadan laakin tus in uu yahay ra’yi oo aad ixtiraamaysid.
Markay hadlayso dhageyso oo isku day in aad fahanto ra’yigeeda. La dood si dagan oo ka wada hadla, hadduu kula fiicnaado waad qaadan haduu kula xumaadana ixtiraan ra’yigaas.
  • Caawi xaaskaaga, hadii kale ilowsii daalka:
Anigu kuma oranayo jikada gal ama cunto kari ama dhulka masax ninyohow, laakiin waxaan kuu sheegi waxa aad ku caawin kartid xaaskaaga sidan:
Caruurtaada casharka ka caawi, ka warhay waxay qabtaan ama qasaan oo tarbiyadooda ka caawi.
Soo iibi alaabta adeega guriga, hana bixin ilaa aad oogaatid wuxuu ubaahanyahay gurigu oo adeeg ah.
Adigu samee wixii rakibaad ah ee uu gurigu ubaahanyahay. Haday dhacdo in aad mashquul noqotid oo aad sidaa darteed ucaawin waydid xaaskaaga, waa muhiim in aad ilowsiisid daalka sida in aad duugtid, in aad hadiyad yar ukeentid, oo aad ku tiraahdid “ waad mahadsantahay sababtoo ah waad icaawisay, waan ku jeclahay oo Illaahay igama kaa qaado” kadib dhunko iwm.
  • Jeclaysii in ay kuu raacdo sariirta:
Iska ilaali in ay kaa dareento in aad rabtid jirkeeda kaliya. Tus in aad iyada rabtid oo aad iyada jeceshahay. Dareen xun ayey dareemaan dumarku marka ay nimankoodu sariirta ‘iskaga’ kexeystaan, oo ay jirkooda waxey doonaan ku sameeyaan, kahor iyagoon jaceyl iyo ihtimaam tusin.
Saas daraadeed intaanad sariirta la aadin, la samee faraka cayaar, la kaftan, si jaceyl ah utaabo, dhunko, hadal macaan ka dhargi dhagaheeda, la cayaar, sidaa samee qiyaasta nuse saac waxaad arki iyadoo kula jecel arinta aad rabtid.
Ugu dambeyntii:
Qolkiina hurdada ha keenina ama hakaga hadlina mowduuc dhib keenaya, iyadu hadey kugu furto ku dheh “ xabiibtii hadhow ayaan ka wada hadlaynaa hada daqiiqadahan aan is jeclaano oo aan nasano!”
Dumarku wax ma iloobaan, oo hadduu ninkoodu maalin dhaawaco ama si xun ula dhaqmo, raad ayey ku sameyneysaa naftooda, sidaa darteed ufiirso sida aad ula dhaqmaysid xaaskaaga.
Waana muhiim in aad jaceyl badan tustid oo aad hadal macaan maqashiisid xaaskaaga intaadan ugu yeerin sariirta.
Wabillahi towfiiq

/khadijahome.com
Share this article :

12 Comments:

  1. maashaa alaah khadija waxaad ka hadashay waa muhiim inshaa alaah ilaah hana fahansiiyo adigana ajir iyo xasanaad ilaah hakaa siiyo walaasheey mahadsanid by Osman

    ReplyDelete
  2. Anonymous1/06/2011

    Intaan gabadhii ka hesha ninkeeda maxaa ka maqan, wakhtiga waa in qaybtiisa badan aad gelisaa reerkaaga oo aadanku bixin maalaayacni. Ilaahay ha idinka abaal mariyo,aamiin. Waana aqoon fiican cidii ilaah waafajinaayo oo ka faa'iidaysanaysa. Mahdsanidiin

    ReplyDelete
  3. Anonymous1/19/2011

    mansha allaah abaayo waxaad mooda in aad ogtahey nolosheeyda dhabta ah guur mugdi ah baan ku jiraa mudo 17 sano ah nasiib daro waxaa igu soo adey nin aan nafteeygad iyo ehelkeeyga u daran farxad habo yarate kuma haaysto mar walbo aan ku fikiro in aan ka tago hadan ilama aan u dhaley ayaan ka naxaa in kala tageena u dhibaato noloshooda dhaawac weyn u geeysto marka waxaan go aan sadey in eey iyaga farxad ku barbaraan ana hoos u ooyo ilaa iyo caruurteyda iga hana qadaan mahadsandi abaayo waxaan rajeyna in wiilal badan ku dhaqmi donaan qoraalkaaga aad ku bad baadineeysid qoys saska somaliyeed

    ReplyDelete
  4. Anonymous1/20/2011

    Asc
    Gabarta iga horreysa, aad ayaan uga xumahay ciriiriga aad ku jirto. Waxaanse kugula talin lahaa inaad isku daydo inaad adigu beddesho qaab dhaqanka ninkaaga, waanad beddeli kartaa saan aaminsahay. Anigu nin ayaan ahay waxaanan garanayaa dareenka ninka markay xaaskiisu si fiican ula hadasho siduu noqonayo. Raggu waa carruur caga weyn ee isku day inaad wax ka beddesho dhaqanka ninkaaga. Wax badan adigey kugu xiran yihiin.

    ReplyDelete
  5. Walal arrinkan waa arrin cajiib ah laakiin ninka raga ah ee arrinkan oo dhan sameenayaa xaguu joogaa ma joogaan aduunkan ragaasu

    ReplyDelete
  6. Awoowe8/24/2011

    Wonderfull. Imisay ku qaadatay inay soo ururiso hadaladan qiirada iyo waxtar ka xambaarsan ee gabdhahayagu u baahan yihiin. walaahi dhibka jira wuxu yahay, ragii horaa waalay arinka, markay dheheen, Nin kii Xariir u Gogla Xanan(Qodax)bay u goglaan,Nin kii Xanan(Qodax) iyaga u goglana, Xariir bay u dhigaan, baanu aaminay hadaad u naxariisato gabadhaada inay kaaga darayso, oo aanay dagaalka iyo taag taaga mooyee aanay wax kale khayr kulahayn, lakin arinku waa sidaa Khadiijo sheegtay, Awoowayaashii horaa wax kharibay.

    ReplyDelete
  7. salamucalayku to all. jazakallahu siyadah khadijah..maqaalkani waa maqaal cajiib ah..runtii aad ayaan ugu faaiidaystay waxaanan practical ku samayndoonaa qodobadaa layabka leh..hader waxan isla sheekaysanaa gabadh dhalinyaro ah oo aad u caqli badan oo ah marwo dumar waxaan ka dhigidoonaa princess hadii ilahay idmo...
    waxan kaloo maqalkas aan ku darayaa waxyaalahas wanaaga ah ee aad usamaysid xaaskaga waxad u niyootaa inuu ilaahay ajar kusiiyo...maxa yeelay wanaaga dumarka loo sameyaa waa sunnadii nebigeena cizziga iyo sharafta leh ku dhaqmi jiray...wanagkasta oo aad xaaskaga u gasho...attentionkagu waa inu ilahay dartii ahaadaaa ka dib waxad heli doontaa ajar laba jibbaaran insha allah..
    good lucky to all somali families...
    BY KEDAHI

    ReplyDelete
  8. marka hore waxa mahadsan khadija for her article..
    mansha allah waa maqal cajiib ah oo aan anigu aad ugu bogay waxaan hader xidhidh wanagsan la leeyahay inan somaliyad ah oo aad u caqli badan waxaanan rajaynaya inaan sida boqorada oo kale ula dhaqmo insha allah...
    waxan kaloo kusii darayaa markasta oo aad wanag samaysid xaaskaga waxad u niyeysataa ilaahay dartiii ka dib waxad helaysaa ajar labajibaaran...biidni lalah

    ReplyDelete
  9. Anonymous12/26/2011

    ASC walalayal walahay waan oyeey markan akhrinayey article kan waxaan la oyeyna waxaa waye ninkayga 10 sano ayaan isqabnaa anigo ad uu yar buu igursaday isagana wuu iga weynyahay. Siikastaba ha ahatee ninkayga saan isugu ficnayn ayuu isbadalay intaa facebook ayuu dhex fadhiya oo dumar kale kala hadlaa. Markan lahadlo wuu ikarahsadaa sariirta wuu idida xanuun ayuu shegtaa markasta. Hadan si kasta isu hagajiyo ima eego marmar waxaan kabaqaa ciil daradeed inaan xaran kudhaco. Wayo nafley baan ahay. Hadaan uu daan shegtona wuu ila dagalaa markas wuxuu yirahda waan katagayaa enoyin baadtahay, waadna calacal badantahay. Arintaan dhowr sano ayeey na dhextagantahay markaan dhaho ii fuur ma ogolaa. Talaa igu cadatay niyad jab iyo bahdil baa wuu igu sameyey waxaan sameyo na garan mayo walina anigu waan jeclahay. Walaalayalo ila taliyaa plz.

    ReplyDelete
  10. marka hore ninkaaga adaa ku ciyaaray waayo waxaa laga yaabaa inuu kaa waayey waxyaalo farabadan, waxaan kula talinayaa inaad runta u sheegto aad ku dhahdo afbuuxa walaalow maxaad igu nacday oo mahaad rabtaa inaan kuu sameeyo ii sheeg runta u sheeg jawaabtiisa eeg

    ReplyDelete
  11. Anonymous12/27/2011

    hadii aan isku dayo in aan fikir ka dhiibto gabadhaa walaashay ah ee somaliyeed ee shegtay in ay ogyday markii ay akhriday qoraalkan dhibta haysatana sheegtay anigu waxaan ahay wiil soomali ah jecel xaaskiisa ilahay ha na wada xafidee hadaba noloshayd intii aan ka arkay ayaan kugula talin walal adna
    hadii aynu hanay somali jacaylka aan siinayno dumarkeeena ama ninkeena waa mid aan abaal ku rabno taasna waa khalad
    adigu noqo qofka siinaya jacaylka qoftaada ama ninkaaga adiga oo aan ka sugin in laguugu abaal gudo mid la mid ah adigu ilahay agtiisa ayaad ka heli badal isaguna/iyadu waa qof biladan ah qof wanag u samaynaya xumaan uguma badali karo ama karto fadlan intaan wanag qofka kale ka sugayno inagu aaynu noqono qofka wanaga qof kale u horseedaya somalida aya tidhaa candho geel ninba intuu gashaduu ka malaa
    hadaba hadalkayga waxaan walal ku soo gabagabayn inaga ha inaga yimado wanaga aan rabno in aan ka aragno qofkeena kale rag iyo dumarkba mahadsanid ilahay idinkana wanaagiina ha iskiin tuso

    ReplyDelete
  12. Anonymous12/28/2011

    asalamu aleikuuuuuum dhamaantiin. waxaan jeclahay in aaan walashay kor qoraalka kusoo qortay aan u jawaabo, abaayo horta gabar walasahaa oo xaas ah baan ahay, runtiii guriga kasta oo maantay dhisan labada qof midkood buu ku taaganyahay waa labo fikradood oo isu timid, marka abayo samir oo si tartiib ah wax ugu sheeeg, nolosha qoyska mid sariirta waaa mid muhiiim ah qofkastana baahidaas buu qabaaa marka u sheeg in xaqa sariirta aad ku leedahay, ayaad quraan baa waxay ahayd fafiruu ili laah ilaahy in aan u cararto oo aan asaga u dan sheegano oo waxii kheyr ah weydiisano marka abaayo ilaahay seygaga haku so jeediyo kuwa farxad kuwada noolaada ha idinka dhigo. markasta waxaad fiirisaa wanaga iyo qofka kaa hooseeyo iyo nimcada rabbi ku siiyay.
    teeda kale facebook markaad aragtid asago gelaayo make suprises 4 him a delicous food, beautify your self with gorgeous nite dresses men love markay ay xaaskooda aysan ka xishooooon, waydiina wuxuu rabo inshalaah it will work out 4 you

    ReplyDelete

Followers

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger