Dadka Soomaaliyeed Maxay weli ugu dhegan yihiin Gudniinka Fircooniga?

kulanka
 Waxaa maanta lagu qabtay Hotelka Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho aqoon is-weydaarsi hal maalin ah oo ujeedadiisu ahayd sidii looga yareyn lahaa dadka Soomaaliyeed aaminsanaanta iyo ku dheganaanta Gudniinka Fircooniga, waxaana aqoon is-weydaarsigaas soo qaban qaabiyay Ururka COCO (Community Concern Organization), iyadoo uu maalgeliyay Urur u dooda Xuquuqda Haweenka oo lagu magacaabo RAINBO.
Furitaankii Aqoon is-weydaarsigan waxaa ka hadashay Marwo Aamino Aadan Cabdi (Aamino Cago-Baruur) oo madax ka ah Ururka COCO, waxayna sheegtay in ururkooda oo la aas aasay sanadkii 1991-kii, iyadoo tan iyo markii la aas aasayna uu howlo muhiim ah u qabtay Dadka Soomaaliyeed, si gaar ah waxay u xustay in ay sameeyeen MHC-yo lagu daryeelo dadka bukaanka ah, Dugsi waxbarasho oo ay wax ku bartaan dadka waa wey, tiiyoo weliba Ururka uu kaalin mug leh ka qaato u doodista Xuquuqda Aadanaha, sidoo kalena uu ka qeybqaato ka wacyigelinta dadka ee qatarta Cudurka Aids-ka.
Aamina Aadan Cabdi
Aamina Aadan Cabdi (Aamino Caga-Baruur) waxay intaas ku dartay in ururkooda COCA oo xarun dhexe ku leh magaalada Muqdisho uu xafiisyo ku leeyahay Gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose, mustaqbalka dhowna ay rajeynayaan in ay waxqabadkooda ku baahiyaan gobollada dalka Soomaaliya oo dhan.
Maryan Cabdulle
Intaas kadib waxaa iyadana halkaasi ka hadashay Maryan Cabdulle Qaawane oo horay ururkan Guddoomiye uga soo noqotay, waxayna ku dheeraataday ka hadalka dhibaatada Gudniinka Fricooniga iyo weliba Taariikh ahaan halka uu ka soo jeedo. Marwo Maryan waxay ku nuux nuuxsatay in Gudniinka Fircooniga ah uu asal ahaan ka soo jeedo Fircoon, "Gudniinka Fircooniga wuxuu ka yimid ninkii Ilaahnimada sheegtay ee Fricoon, in aan sii wad-wadnana waa wax laga fiican yahay"ayay tiri Maryan Cabdulle oo intaas ku sii dartay in arrinta suulinta gudniinka fircooniga ay u baahan tahay is-kaashi ay yeeshaan ragga iyo dumarka, gaar ahaan hooyooyinka oo iyagu gabdhaha geeyo meelo la isku gudo.
"Gudniinka kuma ekaanin in gabdhaha la goo-gooyo ee waxay qatar kale ugu jiraan in ay iyagoo saqiiro ah oo aan waxba galabsanin ay qaadaan cudurka Aids-ka, waayo waxaa mararka qaarkood dhacda in qalab aan la jeermis dilin oo lagu sanceeyay haween umulayay oo qaba Cudurka Aids-ka lagu gudo gabdho yar, sidaasna ay cudurkii ku qaadaan"ayay mar kale tiri Marwo Maryan Cabdulle Qaawane.
Markii halkaas sheekada mareyso ayaa waxaa bilaabatay dood ay ka qeybgalayaashii ka yeesheen dhibaatada gudniinka fircooniga iyo waxa sababay in laga gudbi waayo oo ay dadku ku sii dheganaadaan.
Maryan Taqarre
Maryan Taqarre Xuseen oo ka mid ahayd ka qeybgalayaashii aqoon isweydaarsigan ayaa sheegtay in ay iyadu u aaneyneyso waxa loogu sii dhegan yahay gudniinka fircooniga labo arrimood oo kala ah : (1) in Raggu aaney marka hore guursaneynin haween loo guday qaabka sunnada ah, taasi bedelkeedana ay ka door bidaan gabar loo guday qaabka fircooniga oo jirkeeda la isku qodbay (2) iyo qodobka kale oo ah bulshada ay la nool yihiin gabdhaha oo ku ceebeysta gabadha haddii loo guday qaabka sunnada, isla markaana ka faafiya in ay tahay gabar aan bikro ahayn oo furan.
Shariifo Caddow oo iyaduna doodda ka qeyb-qaadaneysay ayaa sii xoojisay hadalkii Maryan Taqarre, waxayna carrabka ku dhejisay in marka horeba si looga gudbo gudniinkan foosha xun loo baahan yahay in dhalinyarada la wacyigeliyo oo meel la saaro si ay suuq guursi u helaan gabdhaha loo guday qaabka Sunnada ah ee ay Diinta Islaamka raaliga ka tahay.
Shiikh Maxamed Kashka
Hayeeshee Shiikh Maxamed Kashka ayaa intii ay doodda socotay wuxuu keenay su'aal uu kala soo dhex baxay dadkii doodayay iyo daadihiyayaashii doodda, kuwaasi oo sheegay in ay wacyigelin u sameeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed qaar ka mid ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, "Horta waxaa is-weydiin leh dhalinyarada aad leeyihiin waan wacyigelinay waa kuwee, ma kuwii barafleyda ahaa baa (magaalada Muqdisho) mise waa kuwii baadiyaha ee iyagu sida xooggan ugu dheganaa in ay guursadaan gabdhaha sida foosha xun loo gudbo ee hadana xabkaha la iskula dhejiyo jirkooda"ayuu yiri Shiikh Kashka oo dhinaca kalena u soo jeediyay haweenkii ka qeybgalay dooda in ay soo gudbiyaan waxyaabaha ay ka sheegaan seminaarrada, isla markaana aysan afka uun ka sheegin xumaanta gudniinka fircooniga.
Ceyni Abuukar
Ceyni Abuukar Gacal ayaa sii socoshada Gudniinka Fircooniga waxay dusha uga tuurtay Ragga, Ayeeyooyinka iyo Culumaa'udiinka oo iyagu ka gaabiyay in ay banaanka soo dhigaan dhibaatada gudniinka fircooniga iyo sida aaney diinta Islaamka ku ogoleynin, "sidoo kalena waxaa keeneysa in lagu soo dheganaado gudniinka fircooniga iyadoo ay jirto borobogaando laga fidiyo gabdhaha Sunnada u gudan oo dheheyso Gabadhii fircooni loo gudo guriga kama baxdo, wiilasha ma weerarto, waayo waxay u gudan tahay Fricooni, taasi waxay caddey in gabadhii u gudan Sunno ay magaalada wareegto, wiilasha ku dhac-dhacdo, isla markaana aysan jirin wax ay dhowraneyso" sidaasi waxaa tiri Ceyni Abuukar Gacal.
Shamso Cabdulle Butugey oo iyaduna fikirkeeda dhiibaneysay waxay ka hadashay in dalalka gobolka, gaar ahaan dalka Kenya oo kale marka la eego uu noqonayo Gudniinka ay Soomaalidu isticmaasho mid I qarso ah "Mar sii horeysay ayaan Seminaar ku saabsanaa Gudniinka Fircooniga waxaan u tagnay Dalka Kenya, waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan la kulannay intii aan halkaas joognay waxay ahayd iyadoo Seminaarkii laga soo qeybgeliyay gabdho ka soo jeeda Qowmiyadda Masaayda oo si ka xun Soomaalida loo gudo, gabdhahaas waxay noo sheegeen in gabdhaha Masaayda marka la gudo maalintii, isla habeenkiiba lagu daro nin, arrintaas aad ayay noo laab kicisay, seddexdii maalmood ee aan seminaarka joognayna waxaan ku jirnay xaalad caloolyow ah" Shamso Cabdulle Butugeey oo fikirkeeda dhiibaneysay ayaa iyaduna sidaas tiri.
Xuseen Deeroow
Aqoon is-weydaarsigan waxaa ka qeybgalay oo lagu casuumay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno Fanaaniin ah oo uu ugu mudnaa Xuseen Deeroow oo halkaasi ka jeediyay gabayo uu uga hadlayay tacadiga dhinaca gudniinka ah ee loo geystay gabdhaha Soomaaliyeed, wuxuuna mar uu bidhaaminayay in la iska daayo Gudniinka Fircooniga uu yiri "Hadaanba la deysaneynoo, dib loo furayaa mar kale, maxaa loo dadayaayoo, dembiga loo galabsadaa"tixdaas gabayga ah markii uu abwaanka mariyay si weyn ayaa loogu sacab tumay.

Khamiis,March 09, 2006(HOL):

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes