Gabadh guursi waxa lagu bedelay garoob lacag leh

Soomaalidu meel kasta oo ay joogto aad ayey u tixgelisaa haweenka, sannadka ay gabadho badani dhashaan waxay ku tilmaami jireen in uu yahay sanad barwaaqo ah, halka sannadka ay wiilal badani dhashaana ay odhan jireen waa sannad kulul.
Haddab, soomaalidu saadaasha noocaasi ah waxay ku salayn jireen beer nugaylka haweenka, inantu markay dhalato ee ay korto waxa lagu ababin jirey edebta, xishoodka, dhego nuglaanta, is asturaadda iyo afgaabnidda. Waxana barbaarinta inanta si gaar ah ugu dedaali jirtay hooyada, taasina waa sababta soomaalidu u tidhaa: ‘‘Inani waa hooyadeed’’, oo ay uga jeedaan inantii ay hooyo wanaagsani barbaarisay iyana way wanaagsanaanaysaa. Dhinaca kalena waxa hablaha laga ilaalin jiray habaarka. Habaarka ugu xun ee inan lagu yidhaahdaana wuxuu ahaa in lagu yidhaa; ‘‘Labada af iyo adin kaba lagaa waal.’’
Waxa kaloo hooyadu ku dedaali jirtay sidii ay inanteeda quruxdeeda kor ugu qaadi lahayd, kana ilaalin lahayd waxyaabaha inanta u keenaya foolxumada, sida baruurta badan iyo in uu midabkeedu doorsoomo.
Waana tii hore loo yidhi: ‘‘Inani waa tii dhuuban ee dhex yar.’’
Tan kalena waxa ay ka marag kacaysaa doorka iyo qiimaha ay dumarku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda oo halka ay soomaalidu ka tidhaa; ‘‘Geela iyo haweenkaba waa la hido raacaa,’’, taasoo nuxurkeedu yahay quruxda ka sakow waxa gabadha lagu doortaa dabeecaddeeda, diinteeda iyo qoyska ay ka soo jeedo.
Inkastoo ay gabdhuhu leeyihiin qiime aan la soo koobi karin, kaalin fiicanna kaga jiraan horumarka bulshada, hadana soomaalidii hore may jeclaysan jirin markay gabadho badani dhashaan oo waxay ka door bidi jireen wiilasha kuwaasi oo aad loo koolkoolin jiray, lagana jeclaa gabdhaha oo iyaga laga dardaar werin jirey.
Ilaahay wax kastoo uu abuuray wuxuu ka yeelay lab iyo dheddig aan kala maarmin, nin kasta oo soomaaliyeedna waxa uu jecel yahay in uu guursado afar dumar ah oo ay wada wiilal dhalaan, laakiin kamay fikirin yey wiilashaasi hadhow guursan doonaan. Hantida iyo hibadu waa meerto rabbaani ah, qof kastaaba mar ayuu fallagu u meeraa, barwaaqo durduurtaa.
Waayadii hore inantu markay weynaato waxa loo diri jiray hawlo aad u badan kuwaas oo ay kala kulmi jirtay dhibaatooyin aan yarayn, waxa loola dhaqmi jiray sida adeegto arxana waa laga ilaalin jiray, arin iyo aduun midna lama waydiin jirin, go’aan qaadashana haba sheegin. Markay 18 jir gaadho waxa si jujuub ah loogu dhisi jiray oday 80 jir ah, kaasi oo laga qaadi jiray boqolaal halaad oo gabbaati iyo yaradba isugu jira.
Haddaba, wakhti kastaa waayihiisa ayuu wataa, haweenka ayaa hadda ka faa’iidaystay meertada nolosha ee sebenkan oo intay yarad iska bixiyeen rag aroostay kuna heesay:
“heerin rag ayaa loo helay”
Kadib markii ay adkaatay noloshii reer-guuraanimada ahayd ee ay magaalooyinku soo bateen, dadkuna aad u soo galeen magaalooyinka ayaa waxa uu noqday sbenkii dumarka, waa sebenka badhaadhaha bilis xaawaley. Waxana dhacay dhaqan-gedis oo gabdho guursi waxa lagu bedelay garoob lacag leh, waxana guurkan dhaqankeenna ku cusub loogu magac-daray ‘‘Ruubaa-raqe.’.
Haddii waayadii hore hablaha geel laga bixin jiray, taa laga bax oo hadda waxa socota, boorso lacag ah iyo abu bidaar nin haysta ayaa gabadh bilicsan guursada. Arrintanina waa ta sababtay guurbeelka ku habsaday hablo badan, kuwaasoo raajicinaya rajana ka qaba inay mar uun helaan rag xambaarsan boorsooyin lacag ah oo qurbaha ka soo baqoolay. Hadda gabdhihii ayaa noqday gadh wadeennada qoysaskooda, waxaana boodhka lagu qasay wiilashii loo hanka waynaa.
Xigasho: Togdheernews
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

1 comment:

  1. Anonymous11/14/2010

    ama sarrey ama hoosey ee aabe adaa diran

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes