Somali guurdoon

Home » » Waa maxay guurku.

Waa maxay guurku.







Sida muuqata amma aynu ka arkayno raadadka marag madoonta ah ee dunidani kor yaallaa waxay caddaynayaan in makhluuq kasta oo dhulka ku nooli ka yimiday meel uu Ilaahay keligii garanayo, waxase aynu aadame ahaan aan garan karnaa in uu shay waliba assal iyo farac leeyahay. Kaasi oo ka bilaabma asalka shay keli ah amma lammaane tafiirma si ay u sii jiri karto dunidani wakhtigeedu dhammaan doono.

Makhluuq kasta oo nooli wuxu ku yimiday tafiir taasi oo tilmaamaysa inu ka soo kala dheehmay lamaane kala jinsi ah oo isku tegey. Waa lab iyo dheddig isku tegey si ay u ilaaliyaan amma u sii jirsiiyaan noociyadooda. Aadamahu wuxu ka yimiday aadam iyo xaawa, jinkuna odaygii jaan ahaa xayawaankuna sidaasi oo kale ayey uga yimaadeen laba shay, (xaawa qudheedu waxay ka soo jeeddaa feedha nebi Aadam, taasina macnaheegu waxa weeyi in nafaha aadamaha ka soo jeedaan meel keliya kaasina waa Nebi Aadam.). Haddii wax kasta dib loo guro oo lagu celiyo halkii uu ka yimiday iyadoo weliba si tartiib tartiib ah loo fiirsanayo, waxa caddaanaysa in bini aadamku ku noqonayo aadam, jinkuna jaan, xayawaankuna sidaasi oo kale ay ku noqonayaan halkii ay asal ahaan ka yimaadeen. Xataa haddii dib loo guro intaasi oo dhanna waxaynu ogaanaynaa in ay ku noqonayaan meel uu Allaha abuurtay uuni ogyahay taasina waa awood ku tusinaysa in aanay jirin cid la barbar dhigo waana Allaha mulkiga iyo abuurkaba iska leh ee wax kasta awoda, haddii uu arrin doonana ahaw uun yidhaahda oo uu ku ahaado wax ka yar isha gibidheeda. Waxaynu ogsoonahay in quraanku caddeeyey Madam iyo cadowgeena jean ahi halka ay ka yimaadeen, intarsia wixii ka dambeeyana aanu caqligeenu sawiri Karin sida uu key ahaaday. Wuxu Ilaahay Aadam ka abuurtay dhoobo, jaana wuxu ka abuuray olol dab ah.

Allaha awoodasi leh ayaa makhluuqaadkiisa kala maareeyey oo mid walba u yeelay dariiq uu ku tafiirmo. Uma baahna xayawaanku inay isku abtirsadaan oo nolol qoys iyo guur ku noolaadaan. Laakiin waxay baahi u qabaan in ay noociyadooda ilaaliyaan oo keli ah, kumana waajib aha inay xaas, reer, iyo qoys xalaal ah unkaan.

Rabitaanka Allaah ma ay san noqonin in uu aadamaha ka yeelo sida xayawaanka, wuxu ka yeelay xidhiidhka rag iyo dumar dhex mara qaab sharafaysan oo ku cad raalli ahaanshohooga si ay u gutaan qariisadooda. Sidaasi ayaa u amaano badan gudashada xaajada, ilaalada dhabarka, iyo abnimada. Islaamkuna uguma talo gelin in ay gabadhu noqoto aallad ciddii soo gaadhaaba wax u dhiibato, iyo aallad lagu ciyaaro oo gumaysi gasha midna.

Nidaamkani ka duwan ka xayawaanku wuxu abuurayaa hooyo leh dareenka hooynimo, tarbiyad fiican ku soo korisa ubadka iyo aabbo leh lahasho aabbonimo oo buuxda. Sidaasi ayaa waxa ku imanaya unkan qoys oo ku dheehan naxariis, kala dambayn, ixtiraam, diin suubban, iyo isku duubni intaba.

Nidaamka guurku wuxu hadab soo marayey marxallado kala geddisan oo ka dhalata mar kasta too aadamuhu ka fogaado diimahooga samaawiga ah. Inxiraafka iyo dhalan gaddoonka ay keeni jireen culimadii diimahaasu hogaaminayey ayaa sababay in in badan oo shareecadii nebiyadu la yimaadeen la beddelo. Mar kasta oo ay dadku ka tagaan diintooda oo si khaldan loo tarjumo amma la dhalan geddiyo waxa imanaysay in xalaasha xaaraan laga dhigo xaaraantana xalaal. Taasi oo u saamaxaysa in uu qofku iskaga noolaado sida uu doono isaga oo aan u aabbo yeelaynin waxa uu samaynayo.

Waxa kale oo iyaguna jiray nidaam guur oo sharciga samaawiga ah ka baxsanaa oo ay farayeen asnaamta ay dadku caabbudi jireen iyo ilaahyadooduba. Xilligii nebi muxamed NNKHA loo dhhibay risaallada waxa jirayey dhowr nooc oo la isku guursado, kaasi oo ahaa sidani hoos ku qeexan.

1. In labadii isla dhuunta aan loo arki karin laba qof oo sinaystay, laakiin uu ahaa guur ubadka ku dhashaana xalaal yihiin, waxa keliya oo dembi la saarayey labada qof ee saaxiibtinamooda caddaysta ee bannaanka ula soo baxa. Waana tani hadda soomaalida ku aragno ee saaxiibtinimada ah ee haddii uu ilme yari ku dhasho qaabkaasi lagu qorayo aabbaha xaaraanta ku dhalay.
2. Guurka kala beddelashada:- In uu nin ku yidhaahdo nin kale iiga tanaasul gabadhaada anna aan xaaskayga kaaga tanaasulo e, taasi macneheegu wuxu yahay in la isku beddello dumarka iyada oo aanu furriin, ciddo iyo guurkii rabitaanka iyo shuruudaha ku dhisnaa jirin.
3. Guurka tijaabada:-Kanina wuxu tilmaamayaa in ninku amro xaaskiisa in marka ay daahir ka noqoto caadada ayay u diri jireen nin kale si ay ula seexato deedna marka halkaasi uur ka dhasho ayey haddii uu raalli ka noqodo oo ay cajabiso guursan jiray inantaasi haddii kalena uu cidlo kaga dhaqaaqi jiray.
4. Guurkani kalena wuxu tilmaamayaa in gabadha ay dhowr nin u galmoonayaan isla meel keli ah oo marka ay uur qaadoo waxay u yeedhaysaa nimankii u galmooday oo dhan, waxay u sheegaysaa in ay uur yeelatay oo ay rabto cid ay ilmaha ugu magic darto, macnaha ciddii u aabbo noqon lahayd. Tani waxay u dhigantaa arrinta soomaalidu sameeyaan ee ah in gabadha la kufsado amma uur qaadda la weydiiyo oo keli ah cidda uuraysay. In badan waxa dhacda arrimo qalad lagu geli karo oo gabadhu inta ay qariso cidda dhab ahaan uurkani iska leh si loogu ladho nin kale oo ay jeclayd amma lacag haysta.
5. Nooca guur ee jirayna waa kani ilaa iyo hadda taagan oo ah kani islaamku fasaxay.

Nidaamkaasi Islaamku jideeyey, kuma dhamaystirmo ilaa la helo tiirarkiisa, kuwaasi oo ah bandhigga, aqbalaadda, iyo markhaatiyada. Sidaasi ayuu ku dhammaystirmayaa meherka isku fasaxaya laba kala caaganaa oo isku oomanaa, si ay u harraad baxaan.



Share this article :

Followers

Online visitors

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger