Caanaha geela maxay qabtaan

Caanaha geela maxay qabtaan
Caanaha geela waxay leeyihiin waxtar weyn aan la soo koobi karin, lakin waxaan tilmaamaynaa qayb ka mid ah faa'idooyinkaas.
1- caanaha geela waxay ka hortagayaan jeermiska iyo sunta jirka soo weerarta
2-caanaha geela waxay la dagaalamaan bakteeriyada, wayna tirtirtaan
3- caanaha geela waxay wataan in badan fitemiinka (C)
4- caanaha geela waxay leeyihiin subag yar marka loo eego caanaha kale
5- caanaha geela waxay kaloo difaacaan cuntada dhibi karta mindhicirada bakteeriyadana way ka dilaan
6- waxaa kaloo ay ka ilaaliyaan qofka cabbaya caanaha geela, burburka iyo is-cunka lafaha oo ku dhaco inta badan dadka da'da weyn, ilmahana waxay ka ilaaliyaan cudurka la dhaho dabaysha, maxaa yeelay waxay leeyihiin (Calcium) iyo (Phosphorus)  
7- sidoo kale waxay ka hortagaan hargabka qandhada beer-xanuunka dhiig-yarida qaaxada iyo dhamaan cudurada gudaha sida gaastariga iyo sokorta iyo dhiig-karka
8- waxaa kaloo ay u roon yihiin kansarka iyo cudurada wadnaha
intaan kale ma aha waxay leeyihiin wax ka badan laakin intan waa inta ugu muhimsan
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

1 comment:

  1. Anonymous1/17/2011

    caanaha geelka aad bay u fiican yihiin nimanka way u roonyihiin

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes